R.W Cabdiweli oo kulan isagu yeeray guddiyada Amniga iyo Siyaasadda ee golaha Wasiirrada.
Muqdisho, July, 09, 2014 (SDN/QJ)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa kulan deg-deg ah isugu yeeray guddiyada Amniga iyo Siyaasadda ee golaha Wasiirrada, waxaana ay ka hadleen xaaladihii u dambeyay ee dalka iyo go’aamadii uu qaatay Ra’iisul Wasaaruhu ee uu ku magacaabay Wasiirka amniga Qaranka iyo taliyayaasha Ciidamadda Booliska iyo Nabad-sugida.
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo shirka ka hadlay ayaa sheegay inuu qaatay go’aan is badal loogu samaynayo laamaha ammaanka, kaddib markii uu arkay xaaladda dalka iyo dhibaatooyinka soo noq-noqday ee Nabad-diidku geysanayaan.
Wasiir ku xigeenka Amniga Qaranka mudane Ibrahim Isaaq Yarow oo kulanku markii uu soo dhammaaday kaddib Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in go’aamo adag oo wax looga qabanayo xaaladda ammaanka dalka uu qaatay Ra’iisul Wasaaruhu.
“Dhacdadii xalay kaddib, Ra’iisul Wasaaraha ayaa saaka isugu yeeray guddi hoosaadyada Amniga iyo Siyaadda ee golaha Wasiirada, wuxuuna warbixin ka siiyey tallaabooyinka deg-deg ah ee uu qaaday gaar ahaan magacaabista Wasiirka Amniga Qaranka S/guuto Khaliif Axmed Ereg, oo ah shaqsi aqoon dheer u leh amniga, sidoo kale waxaa la magacaabay Taliyaha Booliska S/Guuto Maxamed Sh. Xasan Ismaciil halka nabad-sugiddana si KMG ah loogu magacaabay taliye ku xineekii Nabadsugida Qaranka Maxamed Cabdullahi Xaamud” ayuu yiri Ibrahim Yarow oo dhinaca kale sheegay si wadajir ah ay u soo dhaweeyeen Golaha Wasiiradu xilalka loo magacaabay Wasiirka Amniga Qaranka iyo Taliyayaasha Booliska iyo Nabad-sugidda.
“Kulanka waxaa sidoo kale looga hadlay in la dar-dar geliyo howlgallada caasimada Muqdisho oo intii mudo ah ay ciidamada amaanku wadeen iyo talloobooyin cusub oo Xukuumaddu qaadatay ee la xiriira amaanka hadana ciidamadu waxey sii wadi doonaan howlgalada’’
Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale faah faahin ka bixiyay weerarkii Fashilmay ee kooxaha Nabad-diidku kusoo qaadeen xarunta Madaxtooyadda Qaranka Soomaaliya, waxaana uu sheegay weerarkaasi inay ku dhammaadeen cadowgii isku dayay inay qal-qalka geliyaan ammaanka Xarunta Madaxtooyada, wuxuuna xusay in dowladda uu kaga dhintay Sarkaal ka tirsan Ciidamadda oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Caddow Axmed, waxaana Goluhu tacsi u diray Ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Geesigaas.
Wasiirka ayaa sheegay Xukuumadda Soomaaliya inay qaadatay go’aamo cad-cad oo amniga Caasimadda lagu sugayo isla markaana lagula xisaabtami doono laamaha amniga, waxaana uu geesta kale xusay in baaritaan lagu samaynayo weerarkii xalay cid walba oo lagu helo inay lug ku leedahayna sharciga lala tiigsan doono..
Ugu dambeyn, Wasiirka cusub ee Wasaaradda amniga Qaranka, mudane Khaliif Axmed Ereg iyo wasiir ku xigeenka Dhalinyarada iyo Isboortiga Cismaan Daallo oo uu maanta magacaabay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa la dhaariyay, waxaana goobjoog ka ahaa Munaasabaddii dhaarta Guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa, Ra’iisul Wasaaraha, xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo, Xildhibaanno.
.
—DHAMAAD–
Axmed Nuur Maxamed
Waaxda Warfaafinta ee XRW
Muqdisho, Soomaaliya