Tuhun Ka Dhashay Shirkadda La Siiyey Diiwaangelinta Madaniga ah iyo Siyaasiyiin Ka Qaylo-dhaan Ka Diray
Hargeysa:July,09,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Somaliland ayaa lagu eedeeyey inay Diiwaangelinta Codbixiya-yaasha siisay Shirkad gaar ah oo aan wax tartan ah u soo marin, isla-markaana dhinac ka dhaaftay shirkadihii soo codsaday inay u tartamaan Diiwaangelintaas.
Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Ucid Aqoon Jamaal Cali Xuseen ayaa afkiisa ka sheegay in diiwaangelintaas la siiyey shirkad gaar loo leeyahay, isla-markaana dibadda ka ah shirkadihii sida rasmiga ah u soo codsaday inay qandaraaska qaadanayaan,
Waxa weeyaan arrinkii Diiwaan galinta Madaniga ah ee maalintii dhawayd la yidhi waxaa la siiyey shirkad lagu magacaabo SAHAL runtii markii aanu arrinki aanu baadhnay 35-shirkadood ayaa soo codsaday Shan-baa isku so hadhay Shantii waxaa la waydiiyey in qolo waliba ay keento wax yaalihii looga baahnaa shuruudihii lagu xidhay iyada oo arintaasi loo balan sanayahya oo shirkadii aan la kala saarin ayuunbaa shirkad gaara markiiba layska siiyey iyada oo ay halkaas marayso oo ay shirkadihii kalena ay diyaar garoobeen kharash badanina uu ka baxay” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Waxa uu aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen sheegay in shirkadaasi tahay mid madaxtooyadu dabada ka riixayso, isagoo shaaca ka qaaday in dhinac laga dhaafay shirkadihii sida caddaanka ah codsiyadooda usoo qortay.
Dad badan ayaan wali fahminn waxa ay tahay shirkaddan Sahal lagu sheegay ee qandaraaska qaadatay, maadaama aanay ahayn mid magaceeda hore loo maqlay, waxana soo baxaya warar shaki gelinaya hannaankii shirkadan Qandaraaska loo siiyey, iyadoo wasiirro uu xirsi ka mid yahay lagu xidhiidhinayo shirkaddan.
SDN/QJ-Hargeysa