Maraykanka Oo Noqday Dawladdii Ugu Horraysay Ee Cambaaraysa Weerarkii Xalay Ee Villa Somalia
Washington:July,09,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda waddanka Maraykanka ayaa si kulul u cambaaraysay Weerarka Al-shabaab Habeenkii xalay ka Fulisay Xarunta Madaxtooyada Somalia.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in weerarkan uu tusaale u yahay in xaalada amni ee Muqdisho ay tahay mid aan weli degenayn isla markaana AL Shabaab weli khatar ku tahay amaanka caasimada Soomaaliya.
Maraykanka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay dowlada iyo ciidamada AMISOM ka siinayaan dhanka amaanka, maadaama ay kooxaha ka soo horjeeda sidan wax u weerari karaan.
Qoraalkan ayaa sidoo kale tacsi loogu diray dadkii wax ku noqday weerarkii xalay ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya.
Illaa iyo Haatan xukuumadda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegtay in weerarkaas kaliya ay ku le’deen kooxdii soo qaadday, isal-markaana aanay jirin cid kale oo wax ku noqotay.
SDN/QJ