Safiirka Cusub ee Talyaaniga oo Garowe Kulan Gaar ah kula qaatay Madaxweyne C.weli iyo arrimihii ay ka wada hadleen
Garowe 09.July 2014 (SDN/QJ)- Safiirka dowladda Talyaaniga u qaabilsan Somalia Ambassador Marcelli ayaa Garowe kulan kula qaatay madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.
Qoraal kasoo baxay madaxtooyadda ayaa lagu sheegay labada masuul inay ka wada hadlen arrimaha xiriirka Talyaaniga iyo Puntland iyo mashaariicyo kala duwan oo deeegaanada Puntland ka socda.
Ujeedka Ambassador Marcelli ee uu Garowe u yimi ayaa salka ku haya sidii xukumadda Cusub ee Cabdiwali Gaas loogu wareejin lahaa mamulka TV-ga dowladda Puntland oo sanadkii hore dhidhibada loo taagay kaasoo Talyaanigu uu ku deeqay.
Dowladdii hore ayaa dadaal dheer u gashay sidii mar qura Puntland u yeelan lahayn muuqaal u gooniya oo lagu soo gudbiyo xogaha kala duwan ee Puntland ka jira iyadoona markii danbe ay arrintaasi hirgashay.
Ambassador Marcelli iyo Madaxwayne Gaas ayaa shirkooda oo madaxtooyada ka dhacay kusoo hadal qaaday mashaariicda Talyaanigu uu ka wado Puntland oo ay ka mid yihiin caafimaadka iyo taageerada Booliska iyo bixinta qarashaadka ku baxaya madaarka magalada Bosaso.
Dr.Gaas oo Saxafada la hadlay ayaa yiri”Dowladda Talyaaniga waad la socotaan Puntland waxa ay kawadaa Mashaaricda ugu badana uguna wanagsan,oo uu ugu horeeyo lacagta ku baxaysa Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso,Tv-ga Dowladda Puntland oo hada shaqaynaya iyo Taageerada dhanka Booliska Puntland”
Talyaaniga ayaa ka mid ah dowladaha taageerada siisa Puntland oo qayb ka ah nidaamka federaaalka ee Dalka balse nidaamkaas ayaa hadana noqday mid si kale ay madaxda DF u dhigeen isla markasna Dastuurkii lagu wada heshiiyay qodobo badan laga saaray.
Garowe SDN/QJ
contact@qurbejoog.com