Madaxweynaha Punt land oo Sagaal Sanno kadib Xayiraadii ka qaaday Wargayska Shacabka,Xili uu Baarlamanka Punt land gacanta ku hayo Xeer Saxaafada lagu hagayo
Garowe 09.July 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed Prof,Cabdiweli Maxamed Cali ayaa wareegto ku fasaxay Wargeyska shacabka oo Madaxweynihii hore Maxamuud Muuse Xirsi Cadde uu 2005 wareegto ku xanibay.
Wargayska shacabka ayaa mudo 9 sano ka badan aan hawada soo galin,waxaana Madaxweynihii xiliga taladda dalka hayey ee Cadde Muuse uu albabada isugu dhuftay 05 april 2005,ilaa xilliga waxaan shaqayn wargeyska oo ay ku taxnayd bulsho weynta soomaaliyeed gaar ahaan Puntland.
Dadaaladda ay ku jireen Maamulka Mulkiilayaasha iyo Urada Saxafadda Afrika,Soomaaliya iyo Puntland ayaan yarayn,iyadoo cabashadda xariga loo gudbiyey Madaxdii ka danbaysay Madaxweyne Cadde ,balse anay dhag jalaq u siin,Nasiib wanaag waxaa codsiga suxufiyiinta Puntland oo kaashanaya wasaaradda warfaafinta tixgeliyey Madaxweynaha iminka taladda haya Prof,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo wareegto rasmi ah kusoo saaray in dib loo siiyo xariyadiisa wargayska shacabka.
Markii ay soo baxday warqadda uu Madaxweyne Gaas ku fasaxay wargayska ayaa waxaa arrintaan soo dhaweyey Masuuliyiinta Ururka warbahinta Puntland.
Gudoomiye kuxigeenka Ururka MAP Maxamed Daahir Yuusuf (Salim) ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin u nuglanshaha Madaxda puntland oo uu sheegay in ay ka aqbaleen codsigii ururka ee ahaa in la fasaxo wargayska shacabka ee mudada dheer xanibnaa.” Waxaan si weyn ugu faraxsanahay go,aanka uu ka qaatay Madaxweyne Gaas Xariga Wargayskii shacabka ee xanibnaa mudada dheer,runtii waa ka mahadcelinayna,mudo badan ayaa saxafadda gudaha iyo dibaduba ku howlanayeen sidii loo sii dayn lahaa wargayskan Maanta ayey noqotay Madaxweyne Gaas ayaana Guusha kaalin mugle ka gaystay” Gudoomiye kuxigeenka MAP.
Saalim waxaa uu ku booriyey Masuuliyiinta iyo howlwadeenadda wargayskan in ay dib u bilabaan adeegii ay bulshada u hayeen ,iyadoo ay ku shaqaynayaan sharciga dalka isla markaana ay dhowrayaan anshaxa ,hanaanka iyo jiritaanka Puntland.
Agaasimaha Wargayska Sahacabka Cabdi Farax Farey ayaa isna dhankiisa qaadista xayiradan ku sheegay mid ay ku faraxsanyihiin ,balse ay ka mid ahayd tacadiyada ka dhanka ah saxafadda soomaalida oo ku shaqaynaysa marxalad adag oo ay Maamuladda kala kulmayaan Xarig,Jirdil,Aflagaado,shaqo joojin iyo tacadiyo kale oo aan loo marin sifo sharci ah.
Dhinaca kalena Golaha barlamaanka dowladda puntland oo ku guda jira fadhigoodii caadiga aha ayaa waxaa ajendayasha ugu jira meel marinta xeer ay xukuumadu usoo gudbisay ,waxaana ka mid ah xeerka qabyo qoraalka sadexaad ee warbahinta Puntland oo ay soo gudbiyeen golihii hore ee xukuumadda ee Madaxweyne Faroole.
Xeerka oo ay kasoo wada shaqeyeen Suxufiyiinta,Wasaaradda Warfaafinta iyo daneeyayasha aan dowliga ahayn ee puntland ayaa maanta la hordhigay golaha wakiiladda puntland,waxaana markii la qaybiyey la sheegay in goluhu maalmaha soo socda soo akhrindonaan xeerkan,iyadoo lagu wado in maalmaha soo socdana ay ka doodaan.
Xeerkani waxaa uu soo maray marxalado kala duwan iyadoo ay jirtay in mudo dheer ay ku muransanayeen wasaaradda warfaafinta oo xilliga wasiir ka ahaa Maxamuud Caydiid Dirir iyo ururka warbahinta puntland ee MAP,waxaase gacan muqle ka gaystay Bulshada rayidka ah oo ay hogaaminayso PUNSAA,waxaana la isla meel dhigay sidii loosoo saari lahaa xeer dhaxal gal u ah ummadda puntland.
Dabayaqadii bishii Aug2013ka ayuu u gudbay xukuumadda uu madaxweynaha ka ahaa Madaxweyne C/raxmaan Maxamed Faroole,nasiib wanaag waa ay ansixiyeen isla markaana waxaa uu sugayey barlamaanka oosi rasmi ah u ansixiya ,waxaaana la gaaray xilligii kala wareega oo waxaa meesha ka baxay golihii wakiiladda ee xilligaas,iminka ayey noqotay in la hor geeyo barlamaanka cusub.
Ururka MAP ayaa rajo wayn ka qaba ansixinta xeerkani oo noqoya midka kala hagaya dowladda ,shacabka iyo warbahinta.
Garowe SDN/QJ
contact@qurbejoog.com