|

Kooxda Alshabaab oo Sheegatay Mas’uuliyada Qaraxyadii Caaawa ee Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia

Muqdisho 08.July 2014 (SDN/QK)- Kooxda  Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda  weerarkii caawa lagu qaaday xarunta madaxtooyada ee magaaladda Muqdisho.

Afhayeen u hadlay kooxda Al-shabaab oo lagu magacaabo, Cabdicasiis Abu Muscab ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in maleeshiyaadka Al-shabaab ay galeen qeybo ka tirsan xarunta madaxtooyadda ee magaaladda Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan dowladda oo codsaday in aan  magaciisa la sheegin  ayaa sidoo kale  wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyay weerarka lagu qaaday xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Sarkalka ayaa  intaas ku daray in la wada diley raggii  weerarka ku qaaday madaxtooyada.

Sarkaalku ma bixin faahfaahin intaas ka badan.

Dhinaca kalena ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya,  Nicholas Kay ayaa isna barta Twitterka ku sheegay in weearka lagu qaaday madaxtooyada uu yahay isku day lagu carqaladeynayo nabadda Soomaaliya.

Wuxuu intaas raaciyay in aysan marna argagixisada ku guuleysan doonin weerarada ay ka wadaan Muqdisho iyo guud ahaanba Soomaaliya.

Khasaaraha ka dhashay weerarka caawa lagu qaaday xarunta  madaxtooyada ayaan la ogeyn inta uu legyahay.

Dabayaaqadii  bishii Feberaayo ee sanadkan ayaa weerar ay mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab waxaa lagu qaaday xarunta madaxtooyada, waxaana ku dhintay in ka badan 10 qof oo ay ku jireen laba sarkaal oo tirsan dowladda.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed