Villa Somalia:Meydadka Oo La Kala Garan La’yahay iyo AMISOM Oo Dagaalka Kaga Baxday Ciidanka Dawladda
Muqdisho:July,08,2014(SDN/QJ)-Inkastoo ay xaddidan yihiin wararka laga Helayo weerarka lama filaanka ah ee Kooxda Shabaabku ku qaadday Madaxtooyada Somalia, Haddana waxa la sheegayaa inuu khasaaruhu ballaadhan yahay.
Dagaallo Goos goos ah ayaa wali socda, waxana la maqlayaa rasaas nooca yar yar ah, iyadoo meydad tiro badani daadsan yihiin Gudaha iyo afaafka hore ee Madaxtooyada dalka looga taliyo.
Meydadka Daadsan Gudaha Madaxtooyada aya ala kala garan la’ayahay inay yihiin ciidankii ilaalada Madaxtooyada iyo kuwii Kooxda Weerarka soo qaadday, maadaama Khasaaruhu ballaadhan yahay, waxana aan wali la kala gurin dhimashada iyo dhaawaca Meesha Yaalla.
Sidoo kale waxa soo baxaya warar sheegaya in Ciidanka AMISOM aanay gelin wax dagaal ah markii kooxda Shabaabku weerarka soo qaadday, iyadoo ciidankoodu u kala yaaceen Gidaarrada ka durugsan Goobaha la isku Halleelay.
Waxaa xiligani Madaxtooyada kusii qulqulaayo Gaadiidka Dagaalka AMISOM oo iyagu u socdo gurmad ahaan, balse waxa ay taasi muujineysaa kaalinta damacsan oo ay AMISOM ku leedahay Dagaalada ka socda Somalia.
Dhanka kale, waxan laga warqabin xaalada ay ku sugan yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano ku sugnaa gudaha Madaxtooyada mana jirto warar faahfaahsan oo laga helaayo xaaladooda Caafimaad wallow la sheegayo inuu jiro Khasaare soo gaadhay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada hadana lama Oga halka uu gaadhsiisan yahay.
Ilaa iyo inta waagu beryayo way adag tahay in warar sax la helo, maadaama Magaalada oo dhammi ay ku jirto qaab bandoo ah oo aanay jirin cid dibadda maraysaa.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com