|

Dagaal Culus oo Caawa ka Dhacay Madaxtooyada Somalia

Muqdisho 08.July 2014 (SDN/QJ)- Koox hubeysan ayaa salaadii Makhrib ee caawa kadib weerar ku qaaday ciidan ku sugan fariisin ay ku leeyihiin agagaarka madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Wariyeyaasha  Muqdisho ayaa ku soo waramaya in rasaas xooggan iyo qarxyo laga maqlay dhinnaca Waqooyi ee madaxtooyada.

Dagaal culus ayaa dhex maray  ciidanka dowladda iyo kooxda weerartay, sida ay sheegayaan dad ka ag dhow halka uu ka dhacay dagaalku.

Rasaasta ay is weydaarsanayeen labada dhinac ayaa istaagtey, walina ma cadda  khasaaraha ka dhashay iska hor imaadka oo socdey in ka badan  1 saac.

Saraakiisha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaan wali ka hadlin dagaalka, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya xiliga weerarka madaxtooyadda lagu soo qadayay uu ka maqnaa madaxwayne DF oo caawa kula shirsanaa xarunta Xalane Ergayga QM ee Somalia Nichalos Kay balse waxay kusoo aadaysaa xili dadka ay sheegayaan inuu fashil ku yimi barnaamijka NABAD KU AFUR oo uu soo hindisay Xasan Shiikh Maxamuud.

Weerarkan iyo qaraxyada ka dhacaya madaxtooyadda ayaa guud ahaanba laga maqlayaa magalada Muqdisho iyadoona wararka qaar la sheegayo in maydad lagu arkayo gudaha madaxtooyada balse lama cadayn karo tiro rasmi ah oo khasaaraha sheegi kara.

Ciidanka AMISOM iyo kuwo DF ayaa dhankooda rasaas aad u tiro badan ku ridaya kooxda weerarka soo qaaday.

Afhayeenka Ra’iisul Wasaraha DF Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa sheegay weerarkan inay soo qaadeen kooxda Nabadiidka ah balse wax faahfaahin ah kama uusan bixin khasaaraha weerarkan.

Dib ayaad kala socon doontaan wixii war ah ee kasoo kordha dagaalka caawa ka dhacay agagaarka madaxtooyada Soomaaliya.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed