Xarun Ciidamada La Dagaallanka Dabku Yeelan Doonaan Oo Hargeysa Laga Dhigay
Hargeysa:July,08,2014(SDN/QJ)-Xarun ay yeelan doonaan Ciidanka Dab-demiska Somaliland, ayaa maanta Laga dhagax dhigay Badhtamaha Caasimadda Hargeysa.
Xaruntan cusub ee ciidanka Dab-demiska ayaan noqon doonta agagaarka Wasaaradda Deegaanka Somaliland, waxana munaasibadii lagu dhagax dhigayey ka qayb galay Wasiirka Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran Cade, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyey Guuto C/laahi Fadal Iimaan, Maayirka Hargeysa C/raxmaan Maxamuud Cydiidi (SOLTELCO) iyo saraakiil kale oo xukuumadda ka tirsan.
munaasibaddan, ayaa waxa lagu soo bandhigay Dab damisyo gaadhayey illa 4 dab damis, waxaanay isla goobtaasi ay fannaaniintu ku soo bandhigen riwaayad ka turjimaysay muhiimadda dab damiska uu u leeyahay bulshada iyo sida loogu baahan yahay in dalku yeesho koox masiibadan la dagaallanta.
Wasiirada Arrimaha Gudaha, Maaliyadda iyo Maayirka Caasimadda oo halkaasi ka hadlay, ayaa waxa ay isku raaceen in goobtani ay xarun u noqon doonto dab damiska dalka, isla-markaana laga maamuli doono ciidanka dab-damiska Somaliland oo uu dhowaan magacaabay madaxweynaha Somaliland Axmed Siillaanyo.
Munaasibaddaasi, ayaa waxa laga sheegay in ciidanka dab damiska loo magacaabay taliye gaar ah oo lagu naaanayso Sawaaxili, kaas oo ku noolaa dalka dibaddiisa, balse ogolaaday inuu jagadaasi qabto oo uu waddankiisa wax gashado sida uu xaqiijiyey suldaan Axmed Daahir oo ka mid ah guddida caasimadda Hargeysa.
Ugu dambayna waxa halkaasi Xarunta Ciidanka Dab-damiska qaranku yeelan doono si wada jir ah udhagax dhigay, Wasiirrada Maaliyadda, Arrimaha Gudaha iyo Maayirka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com