“Labadan kulan ee afar dhamaadka koobka aduunku waa dagaal udhexeeya qaaradaha koonfur America iyo Yurub” Tababaraha Xulka Qaranka Jarmalka oo ka Hadlay aragtidiisa Brazil iyo Kulanka Caawa
Hargaysa 08.July 2014 (SDN/QJ)- Tababaraha Germany ayaa Sheegay in Brasil iyo Germany isku mid yihiin. Tababaraha oo ka hadlayay kulanka adag ee dhex maridoona labadan xul ee Brasil iyo Germany ayaa sheegay in kulankan ay go’aamindoonaan arimo aad u yari.
Germany ayaa ku raaxaysanaayay qaab ciyaareed fiican intii uu socday koobka aduunku halka xulka Brasil mararka qaar shaki la galinaayay qaab ciyaareedkooda. Brasil ayaa la dhibaataysan dhaawaca Neymar iyo ganaaxa Kabtankooda Silva.
Tababaraha Germany Low oo aimahan ka hadlaya ayaa yidhi: “Dhamaanteen waan ka warqabnaa sida ay Brasil u awood wayn tahay.Ilaa bilawgii koobka aduunka waxay Brasil ahayd kooxaha ugu cad cad, ciyaartoydooduna waxay ka soo baxeen doorkoodii.
“Waxay xaqiiqsadeen Confederations Cupkii sanadkii hore, taas oo rajadooda kor u sii qaaday culayskana ka yaraysay.Waxa ay sameeyeen waa wax tartanka koobka aduunka u wanaagsan, waayo way fiican tahay in kooxda martigalinaysa koobka aduunku ay halkan soo gaadhaa.
“Waxaanu diyaarinaynaa qorshe fiican oo aanu Brasil kaga hortagayno. Labadan kulan ee afar dhamaadka koobka aduunku waa dagaal udhexeeya qaaradaha koonfur America iyo Yurub. Waxaanu xaqiiqdii doonaynaa waa in aanu finalka ku ciyaarno Maracana 13 july.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com