|

Xarumaha Ka Ag-dhaw Baarlamaanka Somalia Oo Ciidamo Tiro Badan Saaka La Soo Dhoobay

Muqdisho:July,08,2014(SDN/QJ)-Waxa saaka lagu arkay waddooyinka waaweyn ee u dhaw Aqalka Baarlamaanka somalia  iyo Goobo kale oo Magaalada ka mid ah Ciidamo Tiro badan oo  la soo dhoobay, kuwaas oo aan hore loo arki jirin.

dhoeGoobaha ciidamada lagu arkay, ayaa waxa  ka mid ah, Nawaaxiga Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya iyo taalada Sayidka ee Magaalada Muqdisho, waxaana la arkayaa ciidamada oo buuxa ilaa dhismaha ay degan tahay Wasaarada arimaha gudaha oo ah halka loo yaqaan OTO OTO.

Ciidamadan ayaa u badan Booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ay dhooban yihiin taalada Sayidka halkaas, oo maalintii Sabtida uu isku qarxiyay gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay iyo ruuxii waday.

Askarta Saaka lasoo dhoobay Isgoyska Sayidka, ayaa qaarkood waxa ay xidhan yihiin Jaakadaha loogu talo galay inay celiyaan rasaasta, waxaana ay wataan Qoryaha Ak-47 iyo Qasnado badan oo ay rasaas ku jiraan.

 

Gaadiidka ka iman jiray dhanka Wadada Sayidka ee Shanta geed soomari jiray ayaa loo diiday isticmaalka wadadaasi, laakiin waxaa si toos ah ufuran wadada horumarta Xarunta Baarlamaanka oo gaadiidka ay marayaan.

 

Sidoo kale ciidamada ayaa fadhiya Darbiyada ka agdhaw laamiga, halkaasi oo ay ku muujiyanayaan feejignaan badan oo dhanka ammaanka ku saabsan.

Shabaabka ayaa si badheedh ah   Badhtilmaameed uga dhigtay xarunta Baarlamaanka,iyagoo laayey tiro ka tisan mudanayaasha, waxana taasi keentay inay baarlamaanku cabsi darteed ay fadhiisan waayaan.

 

 

SDN./QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed