Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka Kenya oo Xukuumadiisa ugu baaqay inay Ciidamada Kenya ka soo Saarto Somalia
Nairobi 08.July 2014 (SDN/QJ)-Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Kenya ahna Madaxa Xisbiga Mucaaradka ee CORD Raila Odinga, ayaa wuxuu soo jeediyay in Ciidanka Militariga ee Kenya laga soo saaray dalka Somaliya.
Raila Odinga, ayaa sheegaya inaan la aqbali karin amni darada xilligaan ka jirta dalka Kenya, isla-markaana uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku fashilmay sidii wax looga qaban lahaa ammaanka, dhanka kalana uu diiday inay iska wada kaashadaan xaqiijinta ammaanka.
Waxa uu intaa ku daray in aragti ahaan ay iyagu u arkaan in xasiloonida Kenya lagu soo celin karo, iyadoo Ciidanka Difaaca ee Kenya dib looga soo saaro Somaliya, lana keeno Xuduuda Somaliya iyo Kenya.
Wuxuu kale oo uu sheegay inay meesha ka bixi doonto weerarada ay Al Shabaab ka wado Kenya, Madama ay ku andaconayaan Ciidamada Kenya inay xoog ku jooggaan Gobolada Koonfureed ee Somaliya.
Dowladda Kenya, ayaa wuxuu ku eedeeyay inay qaaday tallaabooyin ay ku dhibaateyneyso Somalida Kenya, ayna qayb ka noqotay xasilooni darada ku soo badaneysa buu yidhi dalkeena.
Sidoo kale Somalida degan Xaafada Islii, ayuu sheegay inay dhaqaalahooda kala baxeen Kenya, isla-markaana ay u wareejiyeen dalal kale, taasina ay qayb ka noqotay hoos u dhaca weyn ee ku yimid dhaqaalihii Kenya.
Raila Odinga, ayaa Uhuru Kenyatta ka dalbaday haddii uu ku fashilmay Siyaasaada, inuu la kaashado Siyaasiyiinta Xisbiyada Mucaaradka, si iskaashi looga wada yeesho xaqiijinta ammaanka ee Kenya.
Nairobi Kenya SDN/QJ
contact@qurbejoog.com