|

Qaad Joojintii Uk, Iyo Suuqa Ugu Weyn ee Kenya Heshay oo Noqday Somalia.

Hargaysa 08.July 2014 (SDN/QJ)- Tan iyo Markii Dawlada Ingiriisku ay Shaacisay inay dalkeeda ka Mamnuucayso Qaadka isla markaana ay ku dartay Liiska Mukhaadiraadka ay Mamnuuca tahay ka Ganacsigooda Waxaa Bilaabmay dadaalo ay Dawlada Kenya ku baadigoobaysay Meel kale oo Saylad u noqota Waxsoo saarkooda jaadka si aanay isu dhimin Dhaqaalaha badan ee ay ka Helaan Qaadka.

Nooc ka Mid ah Jaadka Kenya ka baxa ee Somalia loo Iibkeeno

Nooc ka Mid ah Jaadka Kenya ka baxa ee Somalia loo Iibkeeno

Degsiimooyinka ay Bulshada ku hadasha Luuqada Afsoomaaligu ku dhaqan yihiin ee Geeska africa ayaa noqday meelaha uu Isticimaalka jaadku gaboodka ka helay ,qaadkuna waa ma hadhayaal wehel fiican ka helay soomaalida oo meel ay joogaan kama maqna.

Kuwaardi Atayj oo ka Mid ah Beeralayda ka Ganacsada Wax soo saarka Jaadka ee wadanka Kenya ayaa sheegay in Suuqii ugu weynaa ee ay u diri Jireen jaadku uu ahaa dalka Uk waxaanu xusay inay daruuri noqotay sidii ay Wax soo saarka ay noloshoodu ku tiirsan tahay ay u heli lahayd bogcad ay u iib geeyaan “ Markii uu Rumoobay amarkii Ingiriisku ee ay dalkeeda kaga mamnuucday isticimaalka jaadku waxa uu ahaa Go’aan aanan Marnaba soo dhawayn naga mudnayn hasa yeeshee waxaanu ka fikirnay sidii aanu uga soo kaban lahayn Go’aankaas waxaanan ku faraxsanahay inaanu helnay halkii noo bedeshay Qaraarkaas qalafsan kaas oo ah wadanka Somalia”.

Maalmihii u danbeeyay Waxaa hoos u dhac weyni ku yimid qiimaha lagu iibiyo Jaadka Kenya ee Magaalada Muqdisho la keeno kadib markii ay Kenya ka yimaadeen Diyaarado intii hore ka badan oo Qaad sida.

Cabdilaahi Fanax oo ka mid ah ganacstada iibiya jaadka ee Muqdisho ayaa sheegay “Markii hore waxaa Muqdisho iman jiray ilaa iyo laba iyo toban diyaaradood oo jaad ka keeni jiray kenya,hasa yeeshee Sadexdii Cisho ee la soo dhaafay Waxaa Magaaladeenan Muqdisho ka soo degay ilaa iyo Sadex iyo labaatan Diyaaradood,taasi waxay muujinaysaa in intii Kenya ay qaadka Muqdisho keeni jirtay la libin laabay”.

Dhinaca kale Waxaa ayaamahanba ay Ganacsato u dhashay Somaliland ku hawlan yihiin Sidii ay Jaadka Miirooga ee Kenya ugu heli lahaayeen Suuq kale oo ay kaga ganacsadaan si ay Suuqa ula wadaagaan Jaadka ka yimaada Itoobiya oo xoog looga isticimaalo Somaliland iyagoo Shixnado kooban ka soo dejiyay madaarka caasimada .

Aqoon yahan Maxamed Xirsi Caraale oo hargaysa ku sugan ayaa sheegay in jaadku yahay ibtilo saamayn caafimaad u leh dadka isticimaala isagoo Xukuumada Somaliland ugu baaqay inay la timaado Siyaasad ay wax kaga bedelayso Isticimaalka maalinlaha ah ee jaadka “Waxaan ahay dadka inta badan wakhtigooda geliyay sidii ay mujtamacan u fahamsiin lahaayeen halisaha qaadka oo ka mid ah Maandooriyeyaasha la isku raacsan yahay saamaynta uu u keeni karo Bulshada qabatinta, Waxaa inala soo dersay Marxalad adag oo loo baahan yahay in Dawladuna ay la timaado Siyaasad u naxaysa dalka iyo dadkaba Waxaanan soo jeedin lahaa in Cashuurta ay Dawladu ka qaado la Sadex jibaaro si ay xitaa u yaraato tirada dalka soo gelaysaa”.

Si kastaba ha ahaatee wuxuu jaadku noqday aafo ku soo korodhay bulshada ku hadasha afka soomaliga oo dhaqaale buuran uu kaga baxo isticimaalkiisa.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed