|

Hoggaamiye Sare Oo Al-shabaab ah Oo Aabihii Xalay Geeriyooday

Muqdisho:July,08,2014(SDN/QJ)-Waxa Habeenkii xalay maagalada muqdisho ku Geeriyooday Allaha u naxariistee  Marxuum Maxamed Khalaf Aaden (Shangole) oo  ahaa Aabaha dhalay Sheekh Fu’aad Shangole oo haatan Mansab sare ka haya Kooxda Al-shabaab.

kebkMarxuum Shangole ayaa Taariikh dheer ku lahaa Sports-ka Soomaaliya laga soo bilaabo Xiligii Dowladii militeriga ahayd ee  uu hoggaaminayey General Maxamed Siyaad Barre.

Geerida Marxuum Maxamed Khalaf Aaden (Shangole) ayaa waxa ay imaneysaa isagoo mudooyinkani ku xanuunsanayey Isbitaalada Magaalada Muqdisho, hayeeshee waxa uu Habeennimadii xalay u geeriyooday Xanuunkii haayay.

Shangole ayaa ahaa Captain-kii ugu horeeyay ee uu yeesho xulka Qaranka Soomaaliyeed, waxaana lagu xasuustaa in dhicitaankii Dowlada Siyaad Barre kadib soo saaray dhalinyaro badan oo iyagu jeclaa soo saarida Sumcada Somalia dhanka Sports-ka.

Dhanka kale, Wasaarada Sports-ka DFS ayaa Saaka wadda qorshe  ay ku muujineyso kaalinta kaga aadan Aaska Khabiirkaasi geeriyooday, waxaana la filayaa in islamaantaba la Aaso Meydka Marxuumka.

Wiilka uu dhalay ee Fu’aad shan Go’le ayaa isagu aan muddo dheer arkin Aabihii, waxana uu Dagaalka kaga jiraa Goobo qarsoon oo aan cidina Ogayn, isagoo marmarka qaarkood   lagu arko Gobolada Fogfog ee Kooxdiisu dagaalka ka waddo.

 

 

SDN./QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed