Shir-Doceed Ka Dhan ah Xukuumadda Siilaanyo Oo Habeenkii Xalay ahaa Hargeysa Ka Qabsoomay iyo Qoddobadii lagu Faaqiday
Hargeysa:July,08,2014(SDN/QJ)-Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Hutel Mansoor, waxa Habeenkii xalay ahaa ka dhacay Shir Saacado badan socday oo ay iskugu yimaaddeen siyaasiyiin, Madax-dhaqameedyo, aqoonyahanno, waayeel iyo dhallinyaro ka soo jeedo Beelaha ku Abtirsada Magaca Habar-magaadlada.
Shirkan ayaa ahaa mid xogtiisu daboolnayd, waxana sida wararka ka soo baxay sheegayaan lagu lafo-guray sidii Go’aan midaysan looga qaadan lahaa xukkuumadda madaxweyne Siilaanyo Hoggaamiye oo inta badan beelaha magacaas ku abtirsada iyo kuwo kale oo dalka deggeniba ka qanceen inay dalka majaraha u sii hayso.
Waxa si weyn la iskula soo qaaday isla-markaana garowshiiyo laga bixiyey dhaqannada qallafsan ee xukuumaddani caanka ku tahay iyo sida ay u lumisay taageeradii shacabka oo markii hore si midaysan kurisiga u saaray.
Shirkan ayaa la sheegay inay beelahaas intoodii joogtay isku hogo-tusaaleeyeen sida loogu baahan yahay inay cududdooda u mideeyaan, maadaama xukuumaddan oo ay si cad uga qanceen haddan caddaysay inuu madaxweynaheedani mar kale talada usoo hangallasanayo.
Waxgaradkii Halkaas ka Hadlay, ayaa dhammaantood isku raacay in diyaar u yihiin hirgelinta Tallaabo kasta oo lagaga hortegayo sidii aanu madaxweyne Siilaanyo markale talada dalka ugu soo noqon lahayn, isla-markaana ay qorshe midaysan ka yeellan doonaan ciddii beddelkiisa ay taageerarooda dul dhigi doonaan.
Shirkan xalay Qabsoomay ayaa ahaa mid siyaasadeed, waxana Dadkii fadhiyey dhammaaantood ay taageerayaal u yihiin musharrixiinta Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdiraxmaan Cirro oo doonaya inay dalkan ka noqdaan Madaxweyneyaal.
Wararka u dhuun daloola shirkan ayaa sheegaya in Beelaha Habar-yoon iyo Habar Awal halkaas ku soo hadal qaadeen in loo baahan yahay is garabsi iyo is taageeris kursiga lagaga tuurayo Madaxweyne Siilaanyo oo labada Beeloodba si weyn uga soo horjeedaan.
Waxa Halkaas la iskugu waafaqay in shirar dambe oo joogto noqda la yeesho, isla-markaana Fikir iyo cudud midaysan lagu Galo Dagaalka ka dhanka ah Madaxweyne Silaanyo oo inta Badan ay waddo Beesha Cududda weyn ku leh ee Caasimadda ee Habar-awal.
Shirar kan la mid ah ayaa lagu wadaa inay ka dhacaan meelo badan oo dalka ah, kuwaas oo Beelo badani kaga tashan doonaan aayahooda siyaasadeed iyo halka ay codkooda marin dooonaan Doorashooyinka soo socda.
SDN./QJ