Wiil ay Wasiir Xirsi Ilmaadeer Yihiin Oo Dil Toogasho ah Lagu Xukumay iyo Muuqaal Yaab Badan Oo Laga Duubay DAAWO
Muqdisho:July,08,2014(SDN/QJ)-Mucaawiye Axmed Xasan oo sheegtay inay Ilmaadeer yihiin wasiirka Madaxtooyada somaliland, ayaa dil Toogasho ah ay ku xukuntay Maxkamad ku taalla Caasimadda Somalia ee Muqdisho.
Wiilkan ayaa lagu eedeeyey, isla-markaana Qirtay inuu doonayey inuu Huteel ku yaalla magaalada Muqdisho ka fuliyo qarax loogu talo galay in dad lagu laayo.
Wiilkan dhallinyarada ah ayaa cadddaymaha loo adeegsaday marka qiraalkiisa laga yimaaddo wax aka mid ah Muuqaal ay duubtay Kamerada CCT-da loo yaqaanno oo huteelka ku xidhnayd, taas oo duubtay dhammaan dhaqdhaqaaqyadii uu sameeyey daqiiqadihii uu falkan ku hawllanaa.
Maxa Laga Dhex Helay Kamerada Qarsoon?
Muuqaalka Kamirada Qarsoon ee ku xidhneyd Hotel-ku waxay muujineysaa Mucaawiye Axmed Jaamac iyo nin ka horeeyay oo soo gelaya Hotel-ka.
Ninka la socday Mucaawiye oo ku lebisnaa isku joog,wuxuu watay Computer-ka gacanta kaas oo lagu soo dhex rakibay qalabka qarxa hase yeeshee markii ay galeen gudaha Hotel-ka ayuu ninkii ku wareejiyay Mucaawiye Computer-kii gacanta.
Ninkii ku lebisnaa isku jooga quruxda badan ayaa dib uga laabtay Hotel-ka,wuxuuna u baxay dibada oo lagu diyaariyay gaadhi laga buuxshay walxaha qarxa.
Mucaawiye Axmed Jaamac oo fadhiyay gudaha Hotel-ka ayaa Computer-kii gacanta kala furay kadibna intuu xabadka saartay u dhaqaaqay Miis ay fadhiyeen dad farabadan oo ku shaahayay.
Macaawiye ayaa taabtay halkii loo tilmaamay inuu ka qarxiyo Computer-ka hasse yeeshee nasiibdaro qaraxii ma noqon sidii uu filayay, Dadkii ayaa yaacay isagana wuxuu isku tuuray dhulka isagoo iska dhigaya inuu ka mid yahay dhibanayaasha.
Ciiidanka Nabad-sugida ayaa qabtay Mucaawiye Axmed Jaamac,waxaana laga duubay Wareysi maqal iyo muuqaala maalmo kala duwan
Mucaawiye wuxuu sheegay inuu ku dhashay Burco oo ay ilma adeer yihiin Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan.
“Waxaan ka imid Burco,waxaan u dhashay qabiilka Isaaq gaar ahaan Habar jeclo ,Raaska Axmed Faarax,hooyadeey waa Gadabuursi gaar ahaan Makaahiil,Reer Nuur,wuxuuna qorshaheygu ahaa inaan qarxiyolaakiin waa fashilmay” ayuu yidhi Mucaawiye Axmed Jaamac.
Waa Falkii ugu horreeyey ee fashilma marka laga hadlayo Qaraxyda Muqdisho ka dhaca, waxase aan saxaafadda loo soo bandhigin xogaha kale ee uu wiilkani Bixiyey intii ciidamadu waraysanayeen.
SDN./QJ