|

Hubaal Gabal baa-udhace​y- Haatufna Waa “Xidhan oo Xayiran” – Waa in aan la Hilmaamina ee loo gurmadaa oo Hiil loo huraa

Nidaamka dimuqraadiga ah ee caalamka ayaa dhigaaya in aan marna la xakameyn Xoriyatal Qowlka, Xuquuqal insaanka iyo xurmadaha aas-aasiga ah ee ibnu-aadamka. Hubaal iyo Haatuf waxay ahaayeen hormoodka wargeysyada JSL sida toos ka ah toojka ugu iftiimiya ee unaqdiya musuq-maasuqa iyo waxyaalaha Maadiga iyo Macnawiga ah ee ay Xukuumada Siilaanyo ku Gel-gelimeysatey. Hadaba habdhaqanka miidaamada ah, gun-nimada ah, aargoosiga ah, ee aan loo meel dayeyn ee ay Xukuumadani ay had iyo jeer kula gal-galato Saxaafada madaniga ah ee madaxa banaan ayaa ah arin aan loo dulqaadan karin.Waa in shacabku ka gil-gishaan oo Mudaaharaad Salmiya ay ku mudaharaadaan Xukuumada iyaga oo la kaashanaaya xisbiyada mucaaridka ah oo ay dareenkooda iyo garashadooda ku muujiyaan xayiraada, xadhiga, xag-xagashada  iyo xaqdarada ay xukuumadu kula kuftey Saxaafada xorta ah..

 
Bal-kawarama arintan dhawaan ka dhacdey Hargeysa iyo Maxkamadii Qaranka oo ahayd goobtii ka garniqi laheyd inkaaraha, ikudhaca,dilalka,muranka, musuq-maasuqa iyo isqab-qabsiga waayadan JSL hagaasiyey.. Hada waa goobtii go’aamin laheyd Cadaalada,Sinaanta iyo Xaqsoorka,Waa goobtii lagu xukumaayey ee lagu  sargoynaayey Ciqaabta marka qofka danbiilaha ahi uu denbigu ku cadaado ee lagu helo ayaa dhawaan Xeer-ilaaliyihii maxkamada qaranku uu iyada oo dhegaystayaashii maxkamadu ay wada arkayaan, wada maqlayaan uu ku yidhi  Mujaahid Yusuf Abdi Gaboobe oo dhibane ah oo  ku dhex-jira cell-kii maxbuuska  kuye’ ” Cagta hoosteeda ayaad ku jirtaa maata  ee car juuq dheh”  Waa arin ugub ah oo aan hore uga dhicin Maxkamadaha JSL. waa arin ” case study ah oo scenrio ah ” oo loo baahan yahay in ay wax ka bartaan ardeyda Jamacadaha JSL ka barta cilmiga Sharciga, waa cawaaqib xumo iyo cidhib xumo cadaalad daro ah oo inagu cusub oo hanjabaad ah, istus ah, bahdilaad ah, buruud-shiil ah, xiniinyo taabasho ah, xasarad ah,Xiisad sameys iyo Xaalad abuur ah oo abid aan JSL  Maxkamadaheeda hore uga  dhacin. laakiin maanta ayey dhacdey oo maxey udhacdey? Waa su’aasha qarniga ee taagan ee aynu wadagaraneyno ama maleynkarno jawaabteeda……!!!
 
Kadib markii xukumkaa xaqdarada ihi uu ku dhacdey Mujaahid Yusuf Abdi Gaboobe ee la isu wada markhaati furay ayey shacabkii reer Somaliland ee maxkamada dhegaysanaayey ay candhuuftoodii dib uliqeen oo ka aaminko-baxeen Garsoorkii qaranka JSL, hada waa Hayadii qaranka ugu sareysey oo ka koobneyd Maxkamadihii iyo Xeer illaalintii qaranka kuwaas oo ay aheyd sida uu cadeynaayo Dastuurka qaranku in ay hawshooda umadax banaanaadaan oo ay karaameeyaan oo tixgeliyaan xeerarka iyo xeegaanada wadanka uyaala. Laakiin nasiib daro taasi maydhicin ee wuxuu garsoorkii qarananku uu noqdey goob aan lagu tixgelin shuruucdii wadanka u yaaley  ee lagu tixgeliyo shaqsiyaad gaar  ah oo  awood iyo xukun aaney xeer  ulaheyn maroorsadey. Bal kawarama gudidii cadaalada oo iyaguna ahaa gudida midida daabkeeda haya ee ugu sareeya bahdii Cadaalada qaranka oo iyana wada noqdey macaan jecel iyo milan qunyar socod ah oo ku liinbaxey kuna milmey Siyaasada dhinaca ka raran iyo aargoosiga siyaasadeed ee gedemsanaa xukuumada iyo xisbigeeda mudada dheer.

Shacabka reer Somaliland waxa ay ka soo dagaalameen cabudhin,cago jugleyn,xaqdaro,xadhig iyo xabad joogto ah, Maanta oo lagu jiro qarnigii 21-aad ee Millaniyamka  oo noqdey qarnigii uu Muwaadin kastaa uu Xaqiisa, xuquuqdiisa, Xornimadiisa iyo xurmadiisaba  uu ku raadsanayey Kacdoonka Salmiga ah ayaa Xeer-ilaaliye daba-kanuug, deris ku nool ahi  uu ku leeyahay waxaad ku jirtaa ” Cagta Hoos teeda “ Cagtee dee?  Ma taada yar mise ta aynu garaneyno cabikeedu intuu yahay?  Waxay Xukuumadii Siilaanyo ku fashilantey hufnaantii iyo akhlaaqiyaadkii suubanaa ee xukuumadeed, maadaama maanta arini mareyso Cagta hoosteeda ayaad ku jirtaa! .Danta guud ee Somaliland  waxay ku jirtaa maanta iyo mar-walba in xal la raadiyo oo wadanka la bad-baadiyo laguna soo dabaalo midnimo qaran iyo kefedii miisaanka ee sharciga aheyd.
Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)
Wa Laahum-Aclum Wa -Billahi-Towfiiq
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London

Comments are closed