|

Punt land oo Shaacisay Tirada ardayda ee Sannadkan u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga ah

Garowe 07.July 2014 (SDN/QJ)- Munaasibad maanta lagu qabtay xarunta wasarada waxbarashada Puntland ayaa lagu shaaciyay qaabkii ay u dhacday sixitaanka Imtixaanadka fasalka ugu danbeeya ee Dugsiyada sare Puntland.

DSC_3034Wasiiro,xildhibaano,mamulo Dugsiyo iyo waalidiin ayaa kasoo qayb galay munaasibada kuwaasoo si toos ah ula socday ku dhawaaqitaanka natiijada imtixaanka.

Wasiirka waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa goobta ka shaaciyay magacyadda ardayda Sanadkan kaalmaha ugu horeeya ka galay imtixaanadka Shihaadiga ah ee Dugsiyadda Puntland.

1: Cabdi Xakiin Saalax Caynab -Shiikh Cismaan -Qardho 97%.
2: Maxamed Cabdi Risaaq Xasan Xasan Hussein. Gambol Garowe 92.86%
3: Caasho Bashiir Cabdi Qani Cusmaan . Shiikh Cismaan -Qardho 92.64%
4: Maxamed Siciid Maxamed Muuse. Alfurqaan -Badhan 90. 79%
5: Maxamed Cabdi Salaan Abdulle Xasan Gambol -Garowe 90.64%
6: Cabdi Xakiin Maxamed Jaamac Ileeye. Cumar Samatar -Galkyo 90.64%
7: Cabdi Xakiin Maxamed Xuseen Jaamac . Cumar samatar – Galkyo- 89.21%.
8: Maxamed Maxamuud Yuusuf Maxamuud. Alwaaxa Garowe- 89.14%
9: Aadan Muuse Maxamuud Guuleed Imaam Nawaawi 89. 14 %
10: Maxamed Axmed Maxamed Jaamac Alfurqaan 88.64.%

Madaxa Imtixaanadka Puntland Axmed Saahid Warsame ayaa sheegay sanadkan inay Imtixaanadka guud ahaan ay u fariisteen arday gaaraysa 2.560 balse ay soo gudubtay tiro gaaraysa 2,458 arday oo iskugu jira Gabdho iyo Wiilal.

Waxa kale uu sheegay Dugsiyadda Sare ee Cumar Samater,Gambool iyo Bosaso ay kaalmaha hore ka galleen Iskuulada ay kasoo baxeen ardayda ku guulaysatay Shihaadada A taasoo muujinaysa is-badalka dhaka waxbarasahda.

Qaar ka mid ah masuuliyiintii goobta ka hadashay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin qaabka natiijada loogu dhawaaqay inayna ka muuqato is-badal heer sare leh.

Inkastoo Shihaadada Dugsiga sare ay wali diidan tahay wasaradda waxbarashada DF hadana waxbarashada Puntland ayaa lagu tilmaamay inay tahay tan ugu hormarsan guud ahaan Soomaaliya.

Garowe SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed