|

Shaqaale ka Tirsan Wasaaradda Warfaafinta oo Shahaadooyin lagu maamuusay

Hargaysa 07.July 2014 (SDN/QJ)- Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Warfaafinta ,Dhaqanka Iyo Wacyi-galinta Somaliland Mudane Maxamed Aadan Ilkacase ayaa maanta shahaado sharafyo guddoonsiiyey shaqaalaha qaybta IT-ga ee Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigalinta Somaliland .

2Munaasibada Shahaadooyinka Lagu Guddoonsiinayey shaqaalahan oo ka qabsoontay xafiiska Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxa kale oo goob joog ka ahaa Agaasimaha Idaacada Radio Hargaysa , Guddoomiyaha Wakaalada Wararka Ee Solna iyo Madax Farsamada Ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta oo guddoonsiinta oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wasaarada warfaafinta ay ka go,an tahay sidii ay u dhiirigalin lahaayeen shaqaalaha dadaalka dheeraadka ah ka muujiyey dhinaca shaqada isla markaasna ay qiimayn doonaan saddexdii biloodba mar shaqaalaha wasaarada warfaafinta si loo abaal mariyo inta mutaysatay in la dhiiri-galiyo looguna mahadnaqo dadaalkii ay la yimaadeen.

Agaasimaha   ee Wasaarada Warfaafinta , Dhaqanka Iyo Wacyi-galinta Maxamed Aadan Ikacase waxa uu ku dheeraaday sida ay Wasaarad ahaan uga go,an tahay in dhisaan mooralka shaqaalahooda si loo helo shaqaale u niyad wanaagsan u haya shaqada markaasi ay hayaan.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed