“Qolada Dawladda Deegaanka Hargeysa, waxanu ku nidhi ilaa inta xadaynta madaarku dhammaanayso wax dan guud ah oo aad ka bixin kartaan ma jirto, Inta ay ka Qaylinayaana ….”Maxamed Muuse Abees {DHAGAYSO}
Hargyesa:July,07,2014(SDN/QJ)-Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Somaliland Maxamed Muuse Abees, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay Eedo Xubno ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa ugu soo jeediyeen inuu u gacann dhaafay shaqo ay xaq u lahaayeen oo dhul la xidhiidha.
Maxamed Muuse Oo Maanta u warramay Warbaahinta, ayaa Bayaamiyey Halka ay ka bilaabantay eeddan loo jeedinayaan, “Anigu waxan ka mid ahay Guddida Xadaynta Madaarka Hargeysa u Madaxweynuhu u xilsaaray, Xadayntaasina waxay Gashay dhul dad leeyihiin, koonfurtana waxay ka gashay Dhul badan dadkii lahaana dawladdu kala wareegtay, waxana ay doonaysay inay dhul beddel iyo lacagba siiso, qolada Dawladda Deegaanka Hargeysa, waxanu ku nidhi ilaa inta xadaynta madaarku dhammaanayso wax dan guud ah oo aad ka bixin kartaan ma jirto, eedday ka hadlayaana waa taase annagu dhul la cuno kamaanu hadal, intay ka qaylinayaana waa intaas.” Ayuu yidhi Maxamed Muuse Abees.
Waxa uu intaas ku daray in madaarka Caasimaddu u baahan yahay in la qurxiyo, isla-markaana aan qurxintiisa qabyaalad iyo reernimo midna la gelin Karin.
Maxamed Muuse Waxa uu ugu baaqay Golaha deegaanka Hargeysa inay u hoggaansamaan Baaqa Guddida Xadaynta Madaarka Loo saaray ee ah inaanay wax dan guud ah bixin Karin kahor inta dadka dhulkoodii madaarku gaadhay dhul kale la siinayo.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKII WASIIRUL DAWLAHA
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WasiirulDawlahaMadaxtooyad07.mp3″]
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com