|

Curadkii Fannaan Axmed Mooge Oo Ka Mid Noqday Xukuumadda Siilaanyo

Hargeysa:July,07,2014(SDN/QJ)-Waxa Maanta XiL wasiirnimo ka helay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo mid ka ah Durriyadii Fannaankii weynaa ee Axmed Mooge Liibaan.

Cabdi Kariin Axmed MoogeCabdikariin Axmed Mooge  ayaa madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland.

Cabdikariin ayaa ka mid ahaa Dhalllinta sida Shacabka uga dhex muuqatay Da’yarta soo kacaysa, waxana uu muddo ku soo dhexd jiray Ururrada firfircoon ee Somaliland ka Hawl gala.

Dekreetada uu madaxweyne Siilaanyo ku Magacaabay Cabdikariin Axmed Mooge oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Qurbejoog.com ayaa u dhignayd sidatan:

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2624/072014 ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada.

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee JSL;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdi-kariin Axmed Mooge, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale Waxa uu Madaxweynuhu u Magacabay la Taliyihiisa dhinaca arrimaha bulshada Maxamed Iid Dhinbiil

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa (3)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda weyn ee ay La-taliyayaasha Madaxweynuhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

 

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagadan;

 

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markuu ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Maxamed Iid Dhinbiil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Axmed  Saleebaan  Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed