|

Jowhar:Tiro Ka Tirsan Ciidanka Dawladda Oo Xalay Koox Hubaysani Dil Ugu Geysteen

Jowhar:July,07,2014(SDN/QJ)-Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe waxa Habeenkii xalay lagu dilay saddex ka mid ahaa Askarta ciidanka Dawladda Federalka ah ee Halkaas ku sugan, sida ay noo xaqiijiyeen Dadka Deegaanku.

dhhDilka saddexdan askari, ayaa waxaa ka dambeeyay rag hubaysan oo askartan usoo dhuuntay, xilli ciidamada la sheegay inay ku sugnaayeen Bar-koontarool oo ay halkaasi ku lahaayeen.

Raga hubaysan ayaa toogasho ku dilay saddexda askari, waxaana ay halkaasi ka qaateen saddexdii qori ee ay wateen ragaasi oo noocooda uu ahaa Ak-47.

Saddexda askari ee la dilay ayaa waxaa la sheegay in Koontaroolka ay ku sugnaayeen, gaadiidka ay lacago kaga qaadi jireen, lamana oga cida ka dambeysay dilkooda.

Isla xalay ayaa meydkooda waxaa la keenay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobalkaasi Shabeelaha Dhexe.

Saraakiisha ciidamada iyo maamulka Magaalada Jowhar midkoodan wali kama ay hadlin dilkan ka dhacay dhinaca Galbeed ee Magaalada.

Ugaadhsiga lagu hayo ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa aad usii kordhay, tan iyo markii ay bilatay Bisha Barakeysan ee Ramadaan, waxana la laynayaa cidkasta oo ciidanka kamid ah oo xataa ilaalalada Nabadgelyada waddooyinku ugu horreeyaan..

 

Al-Shabaab ayaa horay ugu hanjabay inay kordhinayaan dilalka iyo Ugaarsiga ay ku hayaan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed