Magaalo Somalia Ka Mid ah Oo Laga Mamnuucay Bajaajta Dadweynuhu isticaalaan
Baydhabo:July,07,2014(SDN/QJ)-Caasimadda Gobolka Bay ee Baydhabo, ayaa si rasmi ah looga Mamnuucay isticmaalka Bajaajta, Xilli ay si xawli ah ugu soo badanayaan.
Dhammaan wixii mooto bajaaj ahaa ee ku sugnaa Magaalada Baydhabo, ayaa waxaa la sheegay inaanay hadda ka dib ka hawlgali doonin Magaalada Baydhabo, iyadoona laga qab qabtay intoodii badanayd, isla-markaana meel gaar ah lagu xareeyey.
Dadka iska leh, ayaa waxaa looga digay in lagu arko iyagoo ka hawlgalaaya Magaalada Baydhabo, maadaama laga xabsi qabo in kooxda Al-shabaab ku fuliso weerarro qorshayn oo dad badani ku le’daan.
Korneyl Mahad C/raxmaan Aadan, Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Baay, ayaa wuxuu sheegay inaanay rabin weeraro ay Al Shabaab Magaalada Baydhabo kaga geysato mooto bajaajka.
Taliyaha, ayaa wuxuu kaloo cadeeyay inay wadaan hawlgalo ay ku xoojinayaan ammaanka Magaalada Baydhabo, iyadoo markaasi laga hortagaayo weerarada ka imanaaya Al Shabaab.
Bishaan Ramadaan, ayaa waxay Al Shabaab kordhisay weerarada ay ka wado Magaalooyinka dalka, gaar ahaan kuwa ay gacanta ku heyso Dowladda Soomaaliya.
Sida aanu warka ku hayno waxa masuuliyiinta Baydhabo ay heleen warar sheegaya inay shabaabku ku hawllan yihiin tallaabooyin ay ku fulinayaan weerarro loo adeegsanayo Mootooyinka bajaajta ah oo si xawli ah halkaas loogu isticmaalo.
SDN/QJ