|

C.I.D-da Somaliland Oo Waraaqo Yeedhmo ah U Dirtay MasuuliyiintaXarumo Warbaahineed Oo Dalka Ka Hawlgala

Hargeisa:July,07,2014(SDN/QJ)-Xarunta Dembi-baadhista somaliland ee C.I.D-da loo yaqaano ayaa waraaqo yeedhmo ah u geysay Maamulayaasha Xarumo warbaahineed eek u yaalla Somaliland.

warqadMasuuliyiinta waraaqaha yeedhmada ah loo geeyey maalintii shalay ayaa kala ah Agaasimaha shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews Naxaj Aadan Cunaaye iyo agaasimaha Shabakadda kale ee Balligubadel media  Axmed Maxamed Cawaale, kuwaas oo loogu baaqay innay isska Xaadiriyaan Xarunta Dembi-baadhista.

Masuuliyiintan ayaa waraaqda loo keenay oo uu ku saxeexan yahay Taliyaha qaybta Baadhista Dembiyada  Somaliland Daahir Muuse Abraar, iyadoo qoraalka lagu soo lifaaqay in wax laga weydiin Doono wixii ay xogogaal ka yihiin.

Masuuliyiintan ayaa la sheegayaa inuu dacweeeyey Maxamed Ibraahim qabo oo haatan ah muxaafid ku daba liqdaaran xukuumadda madaxweyne Siilaanyo balse aan wax xil ah ka haynin.

Labadan masuul ayaan la ogayn wax dambi ah oo ay qaranka  ka galeen, waxase beryahanba soo baxayey Hanjabaado uu Qabo u jeedinayey oo la xidhiidhey inuu xadhig la tiigsan doono.

Qabo ayaa ahaa Hoggaamiyihii xudunta u ahaa mucaaradadii xoogayn ee Shacabka reer Axmed Dhagax kala hortageen xukuumadda siilaanyo, isagoo gaadhay heer uu sheegto inuu Xukuumadda ingiriiska ka ashkateeyey Madaxweyne Silaanyo, balse Ayaamo kadib waxa uu noqday xubin madaxtooyada aan ka fogaan oo warar diirran si habsi leh u keenta.

 

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed