|

Wasaaradda Duulista iyo Hawada ee Somaliland oo Digniin u dirtay Qaramada Midoobay kana hadashay Qadiyada Maamulka Hawada

Hargaysa 06.July 2014 (SDN/QJ)- Wasaaradda Duulista iyo Hawada ee Somaliland ayaa daboolka ka qaaday maanta in Somaliland awood buuxda u leedahay Maamulida Hawadeeda waxaanay ka digtay cawaaqibka ka iman kara hadii qaramada midoobay qaado talaabo ka hor imanaysa ku wada qanacsanaanta arrintan ee dhinacyada ay Khusayso .

IMG_8797Sidaa Waxaa lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka wasaaradda Duulista iyo Hawada ee Somaliland Sadaam maxamed Axmed kaas oo u dhignaa sidan.

“ Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland oo in muddo ah ku hawlanayd u diyaar garowga sidii ay ula wareegi lahayd  una maamuli lahayd hawadeeda sare oo ay  hore gacanta ugu haysay Qaramada Midoobay, ayaa diyaar garowgaasi uu ku dhamaaday si guul ah.

Wasaaradda Duulista waxay maanta tijaabisay qalabkii lagu maamuli  lahaa hawada sare, ee sidoo kale lagula xidhiidhi lahaa Diyaaraha adeegsanaya hawada Xagga sare iyo Xaga hoose ee Somaliland. Tijaabada qalbakaasina ayaa lagu guulaysatay gabo ahaanba.

IMG_8796Hawshani loogu diyaar garoobayo  maamulka hawada oo ay gacanta ku hayaan Khuburo ka tirsan Wasaaradda Duulista oo uu hogaaminayo Agaasimaha Waaxda duulista Eng. Saciid Mahdi Ileeye, ayaa si habsami leh u socota, iyada oo la diyaariyey dhamaan agabkii loo baahnaa.

IMG_8792Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka waxay halkan ka caddanaysaa in Dawladda Somaliland ka go’an tahay inay maamulato hawadeeda awood buuxdana ay arintaasi u leedahay. Somaliland marnaba aqbalaynin in hawadeeda laga maamulo wadan shisheeye.

Ugu dambayn dawladda Somaliland waxay ka digaysaa halisaha ku iman kara daganaanshaha iyo badqabka Mushaaxida hawada sare hadii Qaramada Midoobay ay qaado talaabo aanay isla ogalayn  ama ku wada qanacsaneyn dhinacyada arinta maamulka hawadu ay wada khusayso (Stake holders)”

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed