|

Laba Haween Dalxiisayaal ah Oo Lagu Dilay Mombasa

Mombasa:July,06,2014(SDN/QJ)-Laba Haween oo Dalxiisayaal ah, ayaa Goor dhaweyd lagu khaarajiyey Magaalo-xeebeedda Dalka Kenya ee Mombasa.

momeDilkan ayaa ka dhacay Gudaha Goobaha Dalxiiska loo tago ee Magaaladaas, waxana Haweenka la laayey lagu sheegay inay  kasoo jeedaan Dalka Ruushka, iyadoo Koox Hubaysani Rasaas ku fureen Dalxiisayaashan.

Kooxda Weerarka geysatay oo baastoolado ku Hubaysnaa, ayaa la sheegayaa inay kooxda Dalxiisayaasha ah u tageen una sheegeen inay iska dhiibaan alaabo ay gacanta ku siteen, balse ay iska dhego tireen.

Waxyar kadib waxa la sheegayaa in kooxdii hubaysnaa rasaas ku fureen Dalxiisayaashaas oo tiradoodu saddex haween ah ahayd, waxana isla Goobtii ku geeriyooday haweenay ka mid ahayd dalxiisayaashaas, iyadoo dhaawac culus oo mar dambe geeri  keenayna uu soo gaadhay haweenay Labaad.

Haweenayda labaad ayaa ku geeriyootay isbitaalka, iyadoo kooxdii weerarka geysatay ay ka baxsadeen Meeshaa, sida uu sheegayo wariye madax bannaan oo u warramay idaacadda VOA-da.

Waa weerarkii ugu horreeyey ee in muddo ah ka dhacay Magaalada Mombasa loona geystay Dalxiisayaasha, walise dawladdu kama ay hadlin weerarkaas dhacay maanta Gelinkii dambe.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed