30-Qof Oo Shabaabku Xalay Ku Laayeen Deegaano Kenya Ka mid ah
Nairobi:July,06,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Kenya, ayaa shaaca ka qaaday inay Kooxaha Shabaabku Habeenkii Xalay Weerraro dhimasho badan keenay ka Geysteen Deegaano ku yaalla Xeebta Waddankeeda.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya ayaa sheegay in ku dhawaad 30 ruux ku Geeriyoodeen Weerraraddaas Habeenimadii xalay lagu soo qaaday dalkeeda.
Weerarrada ayey wasaaraddu ku sheegtay in Deegaanada Hindi oo ka tirsan magaalada Lamu iyo deegaanka Gamba oo hoostaga gobolka Tana Riva, ay yihiin Goobaha sida gaarka ah loo badhtilmaameedsaday, isla-markaana dhimashada ugu badani ka dhacday.
Mwenda Njoka oo ah afhayeenka u hadlay wasaarada arimaha gudaha ee Kenya aya u sheegay wakaalada wararka Reuters in weerarka ka dhacay hindi ay ku dhinteen sagaal ruux, halka weerarka Gamba ay ku dhinteen 20 ruux.
Afhayeenka Alshabaab ee dhanka howlgalada Sheikh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarkaasi ay ka dambeeyeen ayna ku dileen ku dhawaad 10 ruux.
Booliska Kenya ayaa sheegay in kooxo hubeysan ay weerarka geysteen ayna gubeen guryo badan sidoo kalana ay weerareen saldhiga booliska ee deegaanka Gamba, waxaana dadka dhintay ku jiray mid kamid ah ciidamada booliska ee dalkaasi.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com