|

Kenya Oo Maraakiibteeda Dagaalku Duqaymo Joogto ah Ku Hayaan Shacabka Jubooyinka Ku Dhaqan

Mombasa:July,06,2014(SDN/QJ)-Wali waxa sii socota Duqaymaha ay Maraakiibta Dagalka Kenya ku Hayaan Deegaano somalia ka tirsan oo ay ka mid yihiin Gobollada Jubooyinku.

shipsMaraakiibta dagaalka ee Kenya, ayaa waxay ku sugan yihiin Jaziiradaha Juula, Saba iyo Jawa, waxayno duqeymo ku garaacayaan deegaanada Madhawo, Siyuunge ilaa aagga Kudhaa, oo ay ku tuhmayaan Al Shabaab.

Hase ahaatee duqeymaha maraakiibta, ayaa waxay waxyeelo u geysteen dad shacab ah, iyagoo dilay tiro dad ah, sidoo kalana waxay cagta mariyeen xoolo badan oo ku sugnaa deegaanadaasi oo madaaafiicdaasi si Harar la’aan ah ugu dul Hoobanayaan.

Suldaan Maxamed Xaaji oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Gobolada Jubbooyinka, ayaa wuxuu si xoogan uu uga qaylo dhaamiyay duqeymaha xoogan, ee ay maraakiibta Kenya ku garaacayaan deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

 

Suldaanka wuxuu Dowladda Somaliya iyo Beesha Caalamkaba uu ugu baaqay, inay wax ka qabtaan duqeymaha arxandarada leh, ee ay diyaaradaha Kenya ka geysanayaan dhulka Jubbooyinka.

Diyaaradaha iyo Maraakiibta Kenya ayaa si joogto ah duqaymo ugu haya Deegaano Somalia ka tirsan oo ay ku tuhunsan yihiin Kooxaha Al-shabaab, waxana ay Duqaymahaasi keenaan Khasaare baahsan oo dadka shacabka ah iyo Xoolahooda ku dhaca.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed