|

5-Tallaabo Oo Aad Maalinta Ku Dhaafaysa Kaga Dhigayso Mid Qiimo Gaar ah ku Leh Noloshaada

Hargeysa:July,06,2014(SDN/QJ)-Ayaan kasta oo Noloshaada soo martaa waa mid aan dib kuugu soo noqon doonin, waxana aad  maalinba maalinta ka dambaysa u sii dhawaanaysaa dhinaca Qabriga.

successMar haddii ay maalmuhu sidaas inagaga Galbanayaan, waxa muhiim ah inaad  Isku daydid inay maaintaasi kugu dhaafto wax noloshaada anfacaya adduunka iyo Aakhiroba oo aan kugu keenin murugo dambe mustaqbalkaaga.

Tallaabooyinkan 5 ta ah ee hoos ku xusan hadii aad ku dhaqaaqdid, maalintaada waxaad uga faa’iidaysay sidii ugu haboonayd, waanaad faaiday:

 

  1. Samayso 3 ila 5 hadaf maalmeed: hadafku waa waxyaabaha ugu waawayn ee kaa dhigi kara qof dadaal badan, laakin hadduu hadafkaagu noqdo mid aanad gaadhi karayn wuxu kugu keeni kara niyad jab. Samayso hadaf maalmeed aad si fudud hadafka u gaadhi kartid.Tusaale ahaan waxa ka mid noqon kara inaad maalinkasta qaybtid bog quraan ah, ama akhrisid jiz quraanka kariimka ah.

2. Wakhtigaaga misaaniyad ka sii: go’aanso wakhti intee leeg ayaad u baahantahay inaad hadaf maalmeedkaaga ku gaadhid. Wakhtigaana ha isku yareyn si aanad u dareenmin culays badan. Hadaanad wakhtigaad go’aamisay ku dhamayn hawshaada hore go’aanso inaad u wareegtid hadafkaaga kale.

 

3. Iska fogee wixi ku mashquulin kara: markaad shaqaynaysid iskaga fogow wax kasta hawlahaaga ka mashquulin kara sida tvga, mobilka aad damisid, computerka, Albaabada iska xidh, iyo wixi la mid ah.

 

4. Isku ogolow inaad nasasho qaadatid iyo inaad isku abaalgudid: haday hawshaadu kugu adkaato ama ha ahaato shaqo aad qabanaysid ama imtixaan aad u diyaar garoobaysid, 15kii daqiiqo aad hawsha wadid u qaado 5 daqiiqo o nasasho ah. 5-ta daqiiqo  ha furin internetka, telefon ha garaacin ama ha wicin, korsiga ka kac oo iskala bixi ama suuliga aad hadaad u baahantahay adigon cidna la hadal si aano ku mashquulin.

Markaad mid ka mid ah hadaf maalmeedyadaada aad dhamaysid qaado nasasho inta ka dheer. Laakiin nasashadaasi ha noqoto mid xadidan ama go’an.

 

5. Maalintaada si wanaagsan u khatin ama u gunaanad: markaad dhamaysid hadaf maalmeedkaaga ugu danbeeya, wixii aad maalintaas qabatay dib u eeg waxyaaba aad qabatay. Haday jirto hawl ama hadaf aanad dhamaystirin ku noqo oo dhamaystir si aad maalinkaaga ugu faraxsanaatid ama qanacsanaatid

Markaad hadaf maalmeedo yaryar aad samaysatid ood sideeda ugu qabatid waxaad arki doonta inaad tahay qof midho dhal leh iyo qof guul leh. Waxaad dareenmaysa inaad control badan wakhtigaaga iyo noloshaada ku leedahay.

 

Waxaan rajeynayaa inuu Ilaahay kugu guuleeyo .

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed