Yemen Oo Ethiopia U Gacan Gelisay Hoggaamiye Ka Tirsanaa Mucaaridka La Raadinayo
Sanca:July,06,2014(SDN/QJ)-Andaragajew Tesige ooh ore Xoghaye ugu ahaan jirey Kooxkii Mucaaridka Ethiopia ku ahayd ee Gimbot 7, isla-markaana si weyn loo raadinayey ayaa la sheegayaa in haatan Dawladda Yemen u gacan gelisay dhinaca Ciidanka Ammaanka Ethiopia.
Shabakadda Wararka ee Sidama National Regional State Network ayaa qortay inay Dowladda Yemen sheegtay in Mas’uulkaas magaciisa laga helay dad la baadigoobayey.
Hoggaamiyahaasi Mucaaradka ku ah Dowladda Ethiopia oo haysta dhalashadda dalka Britain, ayaa si weyn looga raadinayey dalka Ethiopia, waxana dawladaha ay saaxiibka gaarka ah yihiin Ethiopia hore ugu dirtay codsiyo ay ku doonayso in loo soo gacan geliyo ninnkaa.
Ma aha markii ugu horreysay oo ay dalalka deriska Dowladda Ethiopia u gacan geliyaan xubno ka tirsan Kooxaha Mucaaradka ku ah, waxana Dowladda Kenya ay Dowladda Ethiopia ugu gacan gelisay Hoggaamiyayaal Mucaarad oo ay ka mid yihiin Bashiir Makhtal, Sulub Axmed iyo Ali Xuseen oo dhammaantood ka tiranaa Kooxda Mucaaridka ah ee ONLF.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com