|

Taliyaha Ciidanka Ilaaladda Xeebaha oo ka hadlay Askari la sheegay inuu rasaaseeyay Maayarka Saylac

Hargaysa 05.July 2014 (SDN/QJ)- Taliyaha CiidankaIlaalada Xeebaha Somaliland Adminaral Axmed Aw Cismaan,ayaa beeiyay jiritaanka war laga baahiyay ciidanka Ilaaada xeebaha ee degmada Saylac o a sheegay in askari ka mid ahi uu rasaaseeyay maayerka degmada Saylac.

 

taliyaha ciidanka Ilaalada XeebahaTaliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland adminaral Axmed Aw Cismaan waxaa uu intaa ku daray in ay wada xidhiidheen Maayerka degmada  Saylac oo uu hubiyay in ay wax ka jiraan rasaasaynta la sheegay in uu Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee degmada Saylac uu rasaas la beegsaday Maayerka degmada Saylac.

 

“Arrintaa waxba kama jiraan la yaab ayaanay nagu noqotay markii aanu maanta warbaahinta  ku aragnay,waxaan wada hadalnay oo aan la xdhiidhay Maayerka degmada Saylac oo aan waydiiyay waxa dhacay,laakiin warkaa wuu beeniyay waxaanu ii sheegay Maayerku in aanay jirin wax rasaas ah oo lagu riday.”

 

Taliyaha Ciidanka Ilaalaha Xeebaha Somaliland waxaa kaloo uu ka hadlay sida ay ka yeelayaan warka laga qoray ee lagu sheegay in askari ciidankiisa ka tirsani uu ku rasaaseeyay ,waxaanu yidhi.

“Maayerka degmada Saylac ayaanu arrintaa ka wada hadalnay waajibkna wuxuu yahay in ay iyagu ka hadlaan anigu waxa kaliya ee aan caddaynayaa in aanu jirin askari ka tirsan ciidanka ilaalada Xeebaha oo rasaaseeyay Maayerka Degmada Saylac.”

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed