Wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland oo ka Hadashay Maxsuulka Ka Soo baxay Wada hadalo u Socday Somaliland iyo Itoobiya
Hargaysa 05.July 2014 (SDN/QJ)- Wufuud 40 xubnood ah oo ka kala socda Somaliland iyo Etoobiya ayaa Bishan July 1dii ilaa 2dii ku shiray magaalada Dire Dhaba ee dalka Etoobiya.
Warsaxaafadeed Kooban oo uu Soo saaray Madaxa Isgaadhsiinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibada Mr Siciid Cali Muuse ayaa lagu sheegay in Wufuudani ay ahaayeen gudiyo dhinaca farsamada ah, oo labada dal ka kala tirsan, waxaana laga wadahadlaayey oo laga heshiiyey, qorshaha ay Etoobiya ku doonaysa in ay isticmaasho dekeda magaalada Berbera ilaa 30% meelaha alaabada xamuulka ah la dhigo ee dekeda, jidka Berbera oo la horumariyo, sidii Somaliland ay awooda korontada uga heli lahayd Etoobiya iyo iskaashi joogta ah oo dhex mara Etoobiya iyo Somaliland.
Arrimaha kale ee laga heshiiyey waxa ka mid ah wadahadalo buuxa oo dhinaca ganacsiga ah, arrimaha socdaalka, amaanka iyo nabadgelyada, dhismaha hayadaha iyo tacliinta iyo tamarta.
Qodobadaas dhamaantood, ayaa si buuxda looga wadahadlay, iyadoo Etoobiya ay si heer sare shirkan u qabanqaabisay.
Wufuuda shirkan labada dawladood uga qayb gashay oo heer farsamo ahaa, ayaa labada geesood waxay madaxdii kala hogaaminaysay heshiiskaas kala saxiixdeen, iyadoo Duqa magaalada Dire Dhawa uu si kalgacaltooya leh u soo dhoweeyey wefdiga reer Somaliland ee shirkaas ka qayb gelay.
Hargaysa SDN/QJ