|

Maamulka Puntland Oo Soo Saaray Go’aamo Cadho geliyey Dadka La Hayb-sooco

Garowe:July,05,2014(SDN/QJ0M)-Hoggaanka sare ee Maamulka Puntland ayaa soo saartay Go’aamo lagu dhiirrigelinayo dadka ka so jeeda Beelaha La haybsooca  oo aan lagu tixgelinin dhinaca shaqada, balse u muuqday inay    Qudhoodu Hayb-sooc hor leh yihiin.

stateMaamulku wuxuu soo saaray war sheegaya in cidkasta oo beelahaas ka soo jeedda u tartami karto shaqooyinka Bannaanaada ee Heerkoodu ka hooseeyo Agaaime Guud.

Tallaabadan ayaa lagu sheegay inay qeyb ka tahay qorshe ay dowladdu ku doonayso sidii dadka loo simi lahaa.

 

Shir ay qaateen madaxda dowladda Puntland ayaa lugu go’aamiyey dadka deggan deegaannada Puntland ee la heyb sooco in mudnaan gaar ah la siinayo haddii ay isku soo taagan wixii ka hooseeya Agaasime.

“Dawladdu waxay ballan-qaadey isbadal iyo cadaalad xaga shaqaalaha ah waxaa hadda ka dib shaqaalaha dawladda lagu soo xulayaa qaabka tartanka furan wixii ka hooseeya Agaasime guud ,mana jiri doonto in la qorto shaqaale cusub, islamarkaana waxaa mudnaan gaar ah la siinayaa dadka qaba dulmiga soo jireenka ah sida beelaha la heyb sooco” ayaa lugu yidhi qoraal ka soo baxay shirka golaha wasiirrada ee ay shalay galinkii danbe qaateen.

Warka kasoo baxay dowladda Puntland, ayaa ka yaabiyey dad badan, iyada oo uu u muuqdo mid weli hayb sooc ah, isla-markaana haatan wali muujinaya Hayb-sooc  kale oo dadkaas lagu sii dulmiyayo.

 

“Waxaa la yaab leh in leeyahay dadka la hayb sooco waxay u tartami karaan xilalka ka hooseeya agaasime, taasi miyaanay hayb sooc ahayn, maxaa u diidaya wixii agaasime ka koreeya?” ayuu yidhi aqoonyahan Axmed Hidde, oo la hadlay warbaahintu.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed