War Deg deg ah:Qarax Xooggan Oo Gilgilay Goob Baarlamaanka Somalia u Dhaw
Muqdisho:July,05,2014(SDN/QJ)-Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia, ayaa sheegaya in Goor Dhaweyd uu qarax Xooggani ka dhacay Goob aan sidaas uga Fogayn Xarunta Baarlamaanka Somalia.
Qaraxan ayaa la sheegayaa inuu ka dambeeyey qof nafii horeĀ ah oo watay Gaadhi Halkaas ku qarxay.
Qaraxan oo wararka ka soo baxayaa kooban yihiin ayaa la sheegayaa inuu geystay Khasaare Dhimasho iyo dhaawac iskugu jira,, walise wararkiisa xaqiiqda lagama gaadhin.
Goobta qaraxu ka dhacay ayaa la sheegayaa inay ahayd Goob Ciidamada Dwladdu ku badan yihiin oo ay inta Badan joogaan, walina si ramsi ah looma soo xaqiijin Tirada dhimashada uu qaraxaasi keenay.
Goobta ayaa hada Xidhan,waxaana Gaadiidka Ambalaska ay Gurayaan Dhaawacyadii iyo dadkii kale ee Khaasuhu gaadhay.
Wixii warar ah eek a soo kordha Qaraxan kala soco wixii wararkayaga dambe Insha Allah.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com