|

Soomaalida Ganacsiga ku Leh Xaafadda Islii Oo Maxkamadi Ku Ridday Amar Curyaamin ah

Nairobi:July,05,2014(SDN/QJ)-Soomaalida ganacsiga ku leh xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi, ayaa maxkamad dalkaas ku taalla ku xukuntay inay Ganacsigooda u raraan Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhab iyo Kukuma.

siliiiiiiiiArrinta maxkamadda ayaa daba socota markii wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga uu Soomaalida ku amray in ay ka guuraan xaafadda Islii oo ay dhawaan ka dhaceen qaraxyo isdaba joog ahaa oo dad badani ku dhinteen.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaalida ku nool xaafadd Islii ay gabaad siiyeen kooxaha qaraxyada ka geystay caasimada Nairobi siddaas darteedna loo baahan yahay in iyaga la raro.

Si kastaba, waxaa jirta Soomaali badan oo ganacsi ku heystay xaafadda Islii kuwaasoo hadda u guuray waddamada dariska sidda Uganda iyo Tanzania markii ay u adkaysan waayeen Haddidaada Ciidamada Kenya oo joogto noqotay.

Sidoo kale, waxaa la leeyahay ganacsiga xaafadda Islii ayaa noqday mid aad u yaraaday Kaddib markii Soomaali badan ay ka guureen xaafadda Islii.

Kenya ayaa tan iyo markii ay ciidamada u dirtay Soomaaliya saddex sanno ka hor waxay la kulmeysay weerarro laxaad leh kuwaaasoo dad badan galaaftay, sidoo kale dhaqaalihii Kenya ka soo gali jiray dalxiiska ayaa hoos u dhacay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed