|

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Bilo Gudahood Jago Cusub Ugu dhiibay Wasiir Fashilaad ku Waayey Xilkiisii hore

Muqdisho:July,05,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Dawladda Federlka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Bilo kadib Haddana Wasiirkii hore ee Amniga Qaranka u magacaabay Xil cusub oo ah La-taliyihiisa Arrimaha Siyaasadda.

???????????????????????????????Digreeto uu soo saaray Madaxweynaha, ayaa waxaa C/kariin Xuseen Guuleed loogu soo magacaabay, in uu noqdo La Taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Siyaasada, xilli bilo ka hor uu isku casilay xi gudahso la’aan.

Digreetadan, ayaa waxa uu lifaaqeedu soo baxay 29-kii bishii hore ee June (Lix maalmood ka hor), wuxuuna ku dhaqangelayaa saxeexa Madaxweynaha oo ka muuqda.

Digreetada, ayaa lagu yidhi “Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 29/06/2014 waxa uu Madaxweynuhu u magacaabay Cabdikariim Xuseen Guuleed in uu noqdo La Taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya ee Arrimaha Siyaasada.”

 

“Waxa uu xeerkan dhaqangelayaa markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliyeed saxeexo, waxaana lagu daabici doonaa Faafinta Rasmiga ah JFS.”

Cabdikariin xuseen Guuleed ayaa ah saaxiib dhaw oo uu madaxweyne Xasan sheikh Leeyahay, waxana uu ahaa xubinta kaliya ee uu sida muuqata madaxweynuhu ugu lahaa Golaha wasiirrada, balse waxa uu xilkaas ka degey markii si badheedh ah maalin cad loo  weeraray xarunta Baarlamaanka Somalia, halkaasna lagu laayey tiro ka tirsan ciidanka Xoogga dalka.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed