|

Wasiir Qoorsheel Oo Mar Kale Ku Celiyey La Wareegista Hawada Somalida iyo Maxamud Xaashi Oo Wali Gegi Cidla ah Taagan

Muqdisho:July,05,2014(SDN/QJ)-Wasiirka Dawladda Federl-ka Somalia u qaabilsan Gaadiidka iyo Hawada Mudane Siciid Jaamac Cali (qoorsheel) oo dalka dib ugu soo laabtay, ayaa ku celiyey mar kale  war dhegaha  xukuumadda Somaliland aad u dhibsato oo ah inuu gebogebo ku dhaw yahay Barnaamijkii uu kula wareegayey Hawada dalku.

labeMudane Siciid Jaamac Cali Qoorsheel oo Warbaahinta kula hadlayay qeybta nasashada ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay inay guul ugu soo dhamaatay kulamo uu la qaatay Madaxda Hay’ada Duulimaadyada Rayidka iyo Saadaasha Hawada ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan (ICAO) ee magaalada Montreal ee dalka Canada, oo ku saabsanaa sidii Soomaaliya loogu soo wareejin lahaa maamulidda Hawada  wixii la isku  odhan jirey Somalia oo ay Somaliland ka mid ahayd.

 

“Waxaan rabaa inaan idinla wadaago hawada Soomaaliya gacan ku haynteeda in badan ayay maqneyd sidii mar un gacanta Soomaaliya loogu soo celin laha, 18-ki bishii tegtay waxaan la shirnay Madaxda Hay’adda (ICAO) oo aan isla garanay in dhawaan ay bilaabato sidii aan ula soo wareegi lahayn, in Soomaaliya ay howsheeda ay u madax banaanaato, goordhaw ayaan rajeyneynaa in Hawada Soomaaliya naloogu soo wareejiyo” ayuu yidhi Saciid Qoorsheel.

Dhinaca kale Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Siciid Jaamac Cali Qoorsheel ayaa sheegay in uu socdaal ku soo maray dalka Talyaaniga oo uu kula kulmay Madaxda kale oo hay’adda (ICAO) ka tirsan, isagoo sheegay in lagu soo wareejiyay qalab casri ah oo markii hore la doonayay in lagu dhiso xafiiska (ICAO) ee Nairobi, balse dadaal dheer kaddib ay ku guulesyteen in qalabkaasi lagu soo wareejiyo oo dhawaan laga hirgelin doono garoonka Aadan Cadde.

 

Dhawaaqan wasiirka Gaadiidka Somalia, ayaa waxa uu dhibmiil ku yahay Madaxda Somaliland, gaar ahaan wasiirka Duulista Hawada oo isagu sheega inaanu aqbali Karin in hawada  Somaliland laga maamulo dhinaca Muqdisho, balse ma jirto wax tallaabo muuqata ah oo uu illaa iyo  Hadda qaaday wasiir Maxamuud Xaashi si uu uga hortago dedaalka uu dhiggiisa Somalia ku jiro.

Somaliland ayaa ku doodaysa in si wada jir ah la iskula meel dhigo halkii  laga maamuli lahaa  Hawada somalida ka hor inta aan lagu wareejin  Muqdisho, waxase taas ka soo horjeeda dawadda Muqdisho oo sheeganaysa inay xaq u leeahay inay gacanteeda ku maamusho Hawada somalida, maadaama ay tahay dawladda kaliya ee Maanta soomalida laga aqoonsan yahay.

 

“Waxaa jirtay qalab ay noo hayeen in aan la soo wareegno waana isla fahanay qalabkaasi cuusb oo xilliga casriga ah ee hadda jira la socda, waxaana go’an ku gaarnay in Soomaaliya qalabkaasi loo soo raro oo aan rajeyneyo in dalka la keeni doono” ayuu Saciid Qoorsheel hadalkiisa ku daray.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed