|

Kenya oo siyaasadeeda laga deyriyay iyo colaadihii qabaailku dib u soo noqdeen

Nairobi July 05,2014(SDN/QJ)-Dalka Kenya ayaa la dareemayaa in colaadihii qabaailka ee siyaasadeysnaa ay dib u soo noolaadeen ka dib kolkii lagu guul dareystay joojinta isu soo baxyo mucaaridku wadaan.

Taageereyaasha raiisul wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga ayaa qorsheynaya isu soo baxyo ay qabanayaan bishan July 7 deeda.

Isu soo baxyada ayaa looga soo horjedaa hanaanka ay dawlada uu hogaamiyo Uhuru Kenyatta ay u maamuleyso dhaqaalaha,amniga iyo siyaasada.

Mucaaridka ayaa dawlada Kenya u soo jeediyay in ay dhisto guddi wadaaga oo xal ka gaara xaaladaha siyasaadeed ee dalkaasi.

Hogaamiyeyaasha siyaasada ee dalka Kenya ayaa hore taageereyaashoodu ugu dagaalameen doorashooyinkii 2007dii ka dhacay Kenya.

Dooroshooyinkaa ayaa rabshadihii beeleed eek a dhashay waxa ku dhintay dad tiradooda lagu qiyaasat ilaa 1200 oo ruux.

Waxaana haatana laga baqe qabaa in mar kale ay beelaha Kenya ku dagaalamaan isu soo baxyada qorsheysan.

Hogaamiye diimeedyada dalka Kenya  ayaa taageereyaasha axsaabta dalkaas ugu baaqay in aaney ka qeybgelin isu soo baxyada.

SDN/QJ-Nairobi

contact@qurbejoog.com

Comments are closed