|

Wasaaradda Deegaanka oo Ka Warbixisay Socdaal ay ku Tageen Banka Qoryaale oo dad ooteen

Hargaysa 04.July 2014 (SDN/QJ)- Agaasimaha Guud ee  Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Maxamed  Faarax Xirsi,ayaa ka war bixiyay socdaal shaqo oo u ku tegay banka Qoryaale oo uu sheegay in la kala ootay isla markaana uu tilmaamay in Banka Qoryaale uu la mid yahay bananka kale ee dalka ku yaalla isla markaana uu  la xeer yahay.

“Waxaan ku dedaalaynaa in aan neefka xoolaha ah laga oodan halka uu daaqayo ama aan calafka  xoolaha midna laga oodan midna aan loo siidayn oo ay ka wada sinaadaan daaqa xooluhu Illaahau uu siiyay mana dhici doonto in dhul daaqsimeedka la iska ooto.”ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyigu,waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay.

Waxaa kaloo uu sheegay Agaasimaha guud in ay sababtay in ay deegaanka Qoryaale ay tagaan qaylo dhaan ka timi oo ku saabsan daaqa oo la iska ceshaday iyadoo ay dhacday in xoolaha laga ceshado daaqa waxaanu Agaasimaha Guud ee Deegaanku tilmaamay in ay Xukuumaddu wax ka qabanayso cid kasta oo isku dayda in ay daaqa la wada leeyahay ka ceshato xoolaha

 

“Halkan anagu (Wasaaradda Deegaanka) waxaanu u nimi qaylo badan oo na soo gaadhay oo ah in daaqii la kala ootay isla markaana la kala sheegtay daaqii Illaahay xoolaha u soo saaray,banka Qoryaalena wuxuu la xeer yahay bananka kale ee dalka wax uu kaga duwan yahayna ma jirto,waxaan banka Qoryaale ku arkay wax ka duwan dalka oo dhan kaasoo ah in dhulka cidi iska sheegato iyadoo aanu xataa ood lahayn oo daaqa xoolaha laga sheegto, laakiin waxaan dadwynha reer Qoryaale u sheegayaa in daaqa la wada leeyahay,isla markaana ay dadku daaqa wadaagaan oo ay dadka walaalahood ah aanay daaqa ka ceshan,sababtoo ah marka meel kale roobku ka da,o dadka reer Qoryaale way la daaqayaan lagamana ceshanayo markaa daaqa waa in la wadaagaa.”

Ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Maxamed Faarax Xirsi.

Hargaysa SDN.

contact@qurbejoog.com

Comments are closed