Taageerayaasha Brazil iyo Colombia oo Isku Farasaaray Mid ka Mid ah Huteelada Cuntada ee Brazil
Hargaysa 04.July 2014 (SDN/QJ)- Xiisaha iyo Xamaaasadda ciyaarta dhexmari doonta labada xul ee Brazil iyo Colombia ayaa sababtay inay gacan ka hadal ku dhexmaro hotel cunto oo ku yaala dalka Brazil ka dib markii uu nin reer barasiil ahi uu cod dheer ku sheegay inay xulka reer brazil ka badindoonaan xulka kale ee reer Colombia taasi oo keentay inay hadalka ka cadhoodaan jilaa caalamiya oo jila filimada oo u dhashay dalka Colombia Manolo Cardona iyo Wariye ka hawl gala Tv Caalamiya oo u dhashay dalka Colombia oo layidhaa Carolina Guerra.
Jilaagan iyo wariyahan reer Colombia ayaa dagaalkooda la beegsaday ninkii yidhi Brazil ayaa badin doonta waxaana la arkayey iyagoo ku shiiday bilaydho iyo koobabkii miiska yaalay waxaana la arkayey iyadoo uu madaxu dhiigayo ninkii reer Brazil.
Gebogabadii ayaa waxa u soo gurmaday dadkii huteelka wax ka cunayay kuwaasi oo ku guuleystay inay kala kaxeeyaan soona afjaraan dagaalkii ka dhashay xumadda kubadda cagta ee dhexmari doonta labada xul ee Brazil iyo Colombia taasi oo la rumeysan yahay inay tahay mid aad u adag hadaba inkastoo aanay jirin meel kale oo ay xaaladu gaadhay hadana waxa meel kastaba hadheeyey Caasimada Somaliland ee Hargeisa hadal haynta iyo fallen qaynta cidda badin doonta ciyaartan xiisaha leh ee Colombia iyo Brazil.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com