|

Muqdisho iyo Dilalka is daba Jooga ah ee ku Soo Kordhay iyo Qaadacaada Mudanaha Fashilka Ku tilmaamay Barnaamijka Nabad ku afur

Muqdisho 04.July 2014 (SDN/QJ)- Madaxwaynaha DF Xasan Shiikh Maxamuud oo bishan kowdeeda ku dhawaaqay Barnaamij la yiraahdo Nabad ku Afur oo lagu damacsanaa in lagu sugo Amniga magalada Muqdisho ayaa hada u muuqda inuu fashilmay.

kuu445Xildhibaan Daahir Aamin Jeesow oo ka mid ah Baarlamaanka DF ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dilalka is-dabo jooga ah ee Muqdisho kusoo batay bisha Barakaysan ee Ramadaan xili ciidamo aad u faro badan degmooyinka Muqdisho lasoo dhoobay kuwaasoo sugaya Amniga hase yeeshee aan ku guulaysan ka hortaga dilalka.

Jeesow ayaa sheegay Barnaamijka Nabad ku afur ee uu keenay Xasan Shiikh Maxamuud inuu isku badalay naxdin ku afur oo uu ku tilmaamay in xukumaddu ay ku fashilantay inay Amniga Muqdisho sugto.

Kooxda Alshabab ayaa dhankeeda sheegtay inay kordhisay weerarada iyo dilalka ay Muqdisho ka gaysan jirtay bisha Ramadaan ayna la beegsan doonaan xarumaha ciidanka DF iyo kuwa AMISOM.

Shalay oo ugu danbaysay ayaa magalada Muqdisho gaar ahaan degmada Xamar weyne waxaa lagu dilay mudane ka tirsan Baarlamaanka DF mana jirto ilaa iyo hada cid falkaasi loosoo qabtay inkastoo Alshabab ay sheegatay kuna faanay.

Ma jirto ilaa iyo hada tilaabo cad oo amni xumida magalada Muqdisho laga qaaday marka laga reebo baaritaano ay ciidanku xaafadaha magalada ku sameeyaan.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed