30-Kun Oo Ka Mid ah Militeriga Sucuudiga Oo La Soo Dhoobay Xuduuda ay Ciraaq La Wadaagaan
Riyad:Jul,y,04,2014(SDN/QJ)-Dawladda Sucuudiga ayaa Cutubyo ka tirsan Ciidamadeeda Militeriga u daadguraysay Dhanka Xuduudda ay la wadaagto Dalka Ciraaq si ay uga Hortagto Maleeshiyada Islaamiga ah ee ISIL.
Boqortooyadan Sunniga ah, ayaa ka cabsi qabta in kooxaha ISIS ay gudaha u soo galaan dhulka boqortooyada waxaana Sacuudigu xaqiijiyey in dhulkoodu ammaan yahay.
Maalinimadii arbacada ayaa magaalada barakeysan ee Karbala waxaa ka dhacay dagaal ay ku dhinteen ilaa 45 qof kadib markii ay iska hor yimaadeen Sheekh Shiico ah oo la yidhaa Mahmoud al-Sarkhi iyo Ciidmada Dawladdu.
Waxaana fowdada ay ka dhalatay kadib markii booliska dowladdu ay isku dayeen in ay soo xidhaan Sheekhaasi reer karbala.
Xaalada xadka Sacuudiga iyo Ciraaq ayaa aad u xun iyadoo ISIS ay goor hore qabsadeen xadka Suuriya la wadaagto Ciraaq.
Wararka kale ee la helayo ayaa sheegaya in ciidamadii ciraaq ee dhanka xuduudda Sucuudiga ku sugnaa ay goor horeba Faaruqiyeen Halkaas, waxana taasi ay cabsi gelisay Xukuumadda Sucuudiga oo ciidankeeda Xadka Dhoobtay.
SDN/QJ