|

Ra’isal wasaare Cabdiweli Oo Si Weyn U Beeniyey In Geella Soomaalidu Xanuun Qabo

Muqdisho:July,04,2014(SDN/QJ)-War-saxafaadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’isal wasaaraha Somalia, isla-markaana ay daabacday Wakaallada Wararka ee Reuters, ayaa lagu beeniyey war dhawaan ka soo baxay Dawladda Sucuudiga oo Geella somalida caafimaadkiisa wax ka sheegay.

geelWarkaas ayaa si weyn uga horyimi midkii sucuudiga ka soo baxay ee ahaa in Geella somalida looga shakisan yahay VIRUS-ka Mers-ka loo yaqaano oo dadku laayey Dawladdo uu sucuudigu ka mid yahay.

War saxaafadeedkan waxaa lagu sheegay in xogta dawlada Soomaaliya haysaa ay sheegayso inaanay jirin wax kiis ah oo la xidhiidha Jeermiska MERS oo laga helay Geela Soomaalidu dhaqato isla markaana aan cadeyn loo heyn warka Sacuudiga kasoo baxay.

“Tan iyo markii uu xanuunka MERS dilaacay ma jirin wax kiis xanuunkaan la xidhiidha oo Soomaaliya laga sheegay ama laga helay” ayaa lagu yidhi war saxaafadeedka Reuters lagu qoray.

Sidoo kale waxa warkaas ra’ial wasaaraha ka soo baxay lagu sheegay in Xannibaadda Sucuudigu saaray Geella Somalidu keenayo culays dhaqaale oo ku yimaadda dadka soomaaliyeed oo si weyn u  dhaqda Geella.

In dawlada Soomaaliya ay la la shaqeyn doonto hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO iyo dawladaha kale ee saaxiibada la ah si loo hubiyo in jeermiska MERS aanu Soomaaliya ka jirin ayaa sidoo kale warkaankan lagu sheegay.

Qiyaastii 4.7 million oo neef ayay ganacsato Soomaaliyeed sanadkii lasoo dhaafay u dhoofisay Dalka Sucuudiga, waxaana Riyaha iyo Iduhu ay ka yihiin 80% xoolaha Soomaalidu Sacuudiga u dhoofiso.

Todabaadkii hore sargaal ka tirsan dawlada Sacuudiga oo la yidhaahdo Taariq Madani, ayaa sheegay in geela Soomaliya laga dhoofiyo laga qaado xanuunka MERS,ka oo boqolaal ruux ku dilay dalalka Carbeed qaarkood.

Soomaalida ayaa si xoog ah u dhaqata Geella, waxana ay xilliyada qaar ka heshaa lacag adag oo ay ku debberaan Noloshooda gaarka ah, waxase Warkan haatan soo baxay uu warwar iyo walaac geliyey Kumanaan soomaali ah oo ku hawllan dhaqashada Geella.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed