Xeradda ciidanka 54-aad ee Maamulka Punt land oo loogu Magac daray General Maxamed Dirir
Garowe 03.July 2014 (SDN/QJ)- Qoraal kasoo baxay madaxtooyadda Puntland ayaa galabta lagu sheegay in Allaha u naxariistee Gen.Maxamed Dirir loogu magac daray xeradda ciidanka 54-aad oo ku taalada duleedka waqooyi ee magalada Garowe.
Xeradan marxuumka loogu magac daray ayaa ka mid ah xerooyinkii ciidanka dowladdii Siyaas Barre waxaase wixii ka danbeeyay burburkii dalka ka dhacay gacanta ku hayay oo xafiday Gen.Maxamed Dirir oo hayay intii uu ka geeriyoonayay iyadoona dadku ay ku tilmaameen inuu yahay shaqsi halyeey ah oo mudan in xasuus loo sameeyo.
Madaxda Puntland ayaa u aqoonsaday Halyeey qaran oo Dowladda Puntland iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ka geeriyooday waxana qoraalka lagu sheegay in maanta ka dib xeradaasi loogu yeeri doono ”Xeradda ciidanka Maxamed Dirir.
Taariikhdii Gen.Dirir.
Marxuumka ayaa dhashay 1914, waxana uu ku biiray ciidamada 1935 isagoona ka qayb galay dagaalkii labaad ee aduunka 1945, waxana ka dib intaasi uu dib ugu soo laabtay dalka.
Horaantii 1950 waxa uu ku biiray ciidamadii ilaalada, waxana 1966 uu sidoo kale galay cidanka booliska Soomaliyeed, wixii intaasi ka danbeeyay xilal kala duwan ayuu ka soo qabtay ciidamadii qalabka siday Somalia.
Dowladii dhacday Somalia ka dib iyo muddo ka horeyseyba waxa uu gacanta ku hayay xerada 54 aad ee ciidamada, isagoona Siciid Dheere uu sheegay inuu ka mid ahaa asaasayaashii Puntland.
Ilaa inta uu ka geeriyooday waxa uu taliye ka ahaa hogaanka tababarada ee ciidanka difaaca Puntland.
Garowe SDN/QJ
contact@qurbejoog.com