Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd oo Baarlamanka Somalia ka Tirsan oo dablay Hubaysani Toogasho ku dileen
Muqdisho 03.July 2014 (SDN/QJ)- Rag hubeysan ayaa maanta magaalada Muqdisho ku toogtay xildhibaan ka mid ahaa mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Maxamed Maxamuud Xeyd.
Xildhibaanka ayaa la dilay xilli uu ka soo baxay gurigiisa, isagoo maraya agagaarka Afar-Irdoodka degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa kulan uu maanta baarlamaanka ku lahaa Muqdisho ka hor sheegay in la dilay xildhibaan Xeyd, xilli uu ku soo jeeday xarunta baarlamaanka si uu kulanka uga qeyb galo.
Jawaari ayaa cambaareeyay falkaas.
Weerarka waxaa fuliyay rag bistoolado ku hubeysan.
Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ka tacsiyeeyay geerida xildhibaanka, wuxuuna falkaas ku tilmaamay mid bahalnimo ah oo ka baxsan dhaqanka diinta Islaamka.
Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ka dalbaday waaxaha amniga inay si degdeg ah gacanta ugu soo dhigaan kuwii geystay falkan si caddaaladda loo horgeeyo.
Wuxuu tacsi u diray qoyska, asxaabta, xildhibaannada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday xildhibaan Xeyd oo uu xusay inuu taariikh dheer ku lahaa dhismaha dowladnimada Soomaaliya.