Sideed Xul oo u Malafsanaya Koobkan Iyo Mucjisooyinka Lagu Arkey Ilaa & Hadda. (By Jaahuur)
Brazil-03-June-(SDN) Saaxiibayaal todobaadkan iyo ciyaaraha ka babanaya carigaa Brazil ee koobka kubadda cagta aduunka ayeynu ku bidhaamineynaa 8-da xul ee iskugu soo hadhey iyo mucjisooyinka lagu arkey intii uu socdey koobkani.
Haddii aynu ku bilowno bishii aynu soo dhaafney ee June waxaa ku soo xaadirey dalkaa Brazil 32-wadan oo ka kala yimid daafaha aduunka wadan kastaana u hanqaltaagayey sidii uu ugu guuleysanlahaa koobka kubadda cagta ee aduunka 2014.
June 12-dii ayaa foodda la iswada darey taas oo guruuba loo wada ciyaarayey lagana rabey wareega ugu horeeya 16-ban xul ka labaadna 8-eed xul,waxaana inuu soo baxdey markii la isu awood sheegtey 8-dii iskugu soo hadhaey (Quarter Final-ka) oo kala ah.
Brazil vs Colombia
France vs Germany
Costa Rica vs Netherland
Argentina vs Belgum.
Asxaabtay haddii aynu jaleecno dhacdooyinka lagu arkey koobkan waxaa ka mid ah xulal loo hanweynaa oo daaqadda ka baxay,taariikhda koobkan 19-ban korno waxaa laatey xulka Belgum ciyaartii aay la yeesheen xulka USA,Goolhayihii xulka USA Tim Harward oo aad wadankiisa looga hadalhayo goolashii badnaa ee uu badbaadiyey,xiddigii reer Ghana Gyan oo noqdey ciyaaryahanka Afrika ugu goolasha batey heystana 6-gool wuxuu ka qaadey Roger Miller oo haystey 5-an gool,qaniiyadii Suraez galaafteyna ganaaxyo badan,tababarihii xulka Ivory Coast oo iscasiley iyo xulkii Cameroon oo laga soo sheegayo iney laaluush qaateen kulankii aay la yeesheen Xulka Coaria.
Akhyaartay quarter finalka waxaa inoo furaya France vs Germany iyo Brazil vs Colombia June 04 oo ku aadan Jimcaha ee daawasho wanaagsan haddii Ilaahay ka dhigo.
Ramadaan Kariim
W/qorey Jaahuur
jaahuur@qurbejoog.com