|

Maraykanka Oo Shaaciyey Tirada Ciidamadiisa Ka Tirsan Ee Somalia Joogta

Washington:July,03,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Wadanka Maraykanka, ayaa shaacisay Tirada Ciidamada ah eek a jooga somalia.

rrooSarkaal u hadlay Pentagon-ka ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka joogaan Ciidamo gaadhaya 120 askari, kuwaas oo hawlo kala duwan u jooga Halkaas.

Ciidamadaan Maraykanka ah ayuu sheegay iney ku sugan yihiin meelo kala duwan oo ka tirsan dalka Soomaaliya, isagoo muujiyey inaanay kaliya ku sugnayn Caasimadda Muqdisho oo kaliya, balse ay joogaan Goobo kala geddisan oo dalka  ka mid ah.

Wendy Sherman oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibada Maraykanka ayaa xaqiijisay iney ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

Ciidamadaan ayaa hore ula macaamili jiray AMISOM balse hada Ciidamada Soomaaliya ayay la macaamili doonaan, maadaama dawladdu noqotay mid dunida laga aqoonsan yahay oo Hawlaheeda u madax Bannaan.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo sheegin halka ay ku sugan yihiin ciidankani, haddana waxa laga war  hayaa inay ku sugan yihiin  Puntland, Somaliland  iyo Goobo badan oo caasimadda Muqdisho ka mid ah.

Ciidamada ayaa arrimo kala duwan u jooga Halkaas, iyagoo intooda badani ka shaqeeya arrimo ku lug leh daba gal ay ku  hayaan kooxaha Al-shabaab iyo  waraysiyo gaar ah oo ay la leeyihiin xubno laga shakisan yahay oo xabsiyada dawladda ku jira, halka qaar kalena ay tabababaro u Fidiyaan Ciidamada  gaarka ah ee Dawladda.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed