Iraan Oo Diyaarado Dagaal Ugu Deeqday Dhiggeeda Ciraaq iyo Saamaynta ay Sunniyiinta ku Yeelan Karto
Tehran:July,03,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Shiicada ah ee Dalka Iran ayaa dhiggeeda Ciraaq ugu deeqday Diyaaradaha Dagaalka, si ay ugaga hortagaan Kooxda Awoodda Badan ee ISIS.
Iiraan ayaa hora u balan-qaaday in dowladda Ciraaq ay ka taageerayaan dagaalka lagula jiro kooxda Islaamiga ee Daacish iyo suniyiinta taageeraya ee qabsaday dhamaan magaalooyinka dalka, isla-markaana kusoo siqiya dhinaca Caasimada Baqdaad.
Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in dowladda Ciraaq ka taageero dagaalka ka dhanka ah kooxaha kacdoonka ka wada dalkaas ee la wareegay dhul badan oo dalkaas ka tirsan.
Ruushka ayaa maalmo ka hor gaadhsiiyay dowladda Ciraaq diyaarado dagaal, waxaana taageeradan ay qeyb ka tahay dadaalada la doonayo in lagu hakiyo kooxaha islaamiyiinta ee qabsaday qeybo ka mid ah Ciraaq iyo Suuriya.
Laakiin waxaa is weydiinta leh in Iiraan iyo Mareykanka in hal dan isugu keentay oo ah arrinta Ciraaq, waxaana labada dhinac ay u muuqdaan kuwo midka ka ah dagaalka kooxaha suniyiinta ku hayaan dowladda Ciraaq.
Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Nouri Al-Maliki ayaa ka digay Khilaafada islaamiga ee lagaga dhawaaqay Ciraaq iyo Suuriya, waxaana uu cadeeyay inay khatar ku tahay dalalka Gobolka oo dhan.
Kooxda Islaamiga ee Daacish ee ISIS ayaa maalin ka hor ku dhawaaqday dowlad islaami, waxaana khaliifka dowladdaas lagu magacaabaa Abuubakar Al-Baqdaadi oo lagu tilmaamo nin aad u xirfado badan, kaasoo aan wax fagaare ah lagu arag.
Dhawaaqan ay iiraan ku sheegtay inay taageerayso Dawladda Nuuri Al-maaliki ayaa laga yaabaa inay Dawladda sucuudigu ka qaadado dareen liddi ah, maadaama shiicada Xarunteedu tahay Iraan iyo Sunniyiinta Sucuudigu gadh-wadeenka u yahay aanay isku fiicnayn waayadan.
SDN/QJ