|

Baydhabo Oo Toogasho Loogu Geystay Ganacsade Caan ahaa

Baydhabo:July,03,2014(SDN/QJ)-Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, waxa Goor dhaweyd lagu toogtay ganacsade Caan ka ahaa Deegaankaas.

???????????????????????????????Toogashadan ayaa wararka  na soo gaadhayaa sheegayaan inay Fuliyeen Saddex dhallinyaro ah oo ku hubaysnaa Baastoolada, kuwaas oo isla Goobta ka baxsaday dilka kadib.

Ganacsadaha, ayaa waxaa lagu dhex Toogtay gudaha Suuqa Sarifka ee Magaalada Baydhabo, waxaana Magaciisa lagu sheegay Xuseen Mukhtaar.

Allaha u naxariistee Ganacsadaha la dilay ayaa la sheegayaa in muddooyinkaan dambe uu xidhiidh sare la lahaa Hay’adaha aan Dowlaliga ahayn ee ka hawlgala Xarunta Gobolka Baay.

Lama Oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay Dilka Ganacsadaha waxaana la Tilmaamayaa inuu ahaa ninka Deegaankaasi caan ka ahaa islamarkaana ka madaxbanaanaa Siyaasadaha Dalka.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed