|

Shiinaha Oo Muslimiinta Dalkiisa Ka Mamnuucay Soonka Bisha Ramadaan

Bejin:July,03,2014(SDN/QJ)-Dawladda dalkaasi Chine ayaa ka mamnuucday inay Bisha barakaysan ee Ramadanta Soomaan Muslimiinta ku dhaq Gobolka Xinjiang ee Galbeedka dalkaasi ku yaalla.

chineeeeDadka la badhtilmaameedsaday ayaa waxaa ka mid ah shaqaalaha dowladda, macalimiinta iyo ardayda, kuwaas oo ka soo jeeda qowmiyadda Uighur ee laga tirada badan yahay ee degta gobolkaasi isla markaana u badan Muslimiin.

Mid ka mid ah ururada ay leeyihiin dadka ka soo jeeda qowmiyaddani Uighur oo dibadda ka jooga dalka Shinaha ayaa sheegay in xukumaddu ay xitaa dadka siinayso cunto bilaash ah maalintii si aanay u soomin.

Qaar badan oo ka mid ah dadka qowmiyaddani ayaa ka cabanaya in hoggaamiyeyaasha qaran ee dalkaasi Shiinaha ay weerar ku hayaan dhaqankooda, isla-markaana ay si qaawan u faro gelinayanaan Diintooda sharafta mudan.

Dadka qaar ayaa ku doodaya in arrintani ay la xidhiidho rabshadihii qowmiyadaha ku salaysnaa ee dhawaan ka dhacayay gobolkaasi Xinjiang.

Dalka Shiinaha waxa ku Nool muslimiin Tiro badan oo cadaadis badan kala kulanta  Dawladda dalka ka arrimisa ee Shiiciga ah iyo waliba qaar ka mid ah Qoomiyadaha kale ee Dalka Ku Nool oo  hagardaamo iyo  dhibaato u geysta.

 

Waa markii  ugu horraysay ee Dunidan casriga ah laga soo sheego dad si toos ah loogu diiday inay Diintooda awaamiirteeda fuliyaan, waxase Hubaal ah in Dalkaasi yahay mid dunida inteeda kale ka  xidh-xidhan oo aan lahayn Shuruuc la mid ah midda dunida lagaga dhaqmo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed